Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Ka Warbixiyay Shaqaalihii Dhawaan La Qaatay

0
1077

Hargaysa (Hargeisa Press): Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa sheegay in ay guul ugu soo dhamaatay wejigii koowaad ee  shaqaalaysiinta laga qaadanayay dhamaanba goboladda dalka.

Barnaamijkaas shaqaalaysiinta oo gobol kastaba laga qaatay 50 qof  ayaa imtixaankii laga qaaday guud ahaan waxaa ku soo baxeen 300 oo qof.

kuwaasoo isugu jira Wiilal iyo gabdho, iyadoo  dhawaana loo qaban doono tababarro lagu tayaynayo  oo indho fur u noqda sidii ay nidaam ku haboon u gudan lahaayeen shaqadoodda.

Sharmaarke Axmed Muxumed, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha ayaa intaas ku daray in shaqaalahan  cusub ah loogu kala qori doono wasaarradaha dawladda hadba siday u soo kala codsadaan.

“Illaahay (SWT)  fadligii waxaa si habsami ah u soo dhammaaday tartamadii goboladda.  Waxaana  si hufan u soo guulaystay 300 oo tartame. Guulaysteyaashan ayaa isugu jira 210 wiil iyo 90 gabdhood,  kuwaasoo ka soo dhex baxay tartamadii dhawaan ka qabsoomay gobolada kala duwan ee dalka.

Iyagoo  fursad u helay in ay qayb ka noqdaan guul taariikhi ah oo guud ahaan dalku ka gaadhay dhinaca dib-u-habaynta hannaanka shaqaalaynta dawladda”ayuu ku yidhi qoraal uu soo saaray guddoomiye Sharmaarke.

Waxaanu intaas raaciyay “Maalmaha soo socda waxaa gobolada ka bilaabmi doonna tababarada indho-furka shaqaalaha cusub “Induction training” iyo in guulayste walba lagu qoro wasaaradda ama  hay’adda dawladeed ee uu aqoonteeda leeyahay.

Geesta kale guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland waxa uu sheegay in maalmaha soo socda ay soo dhejin doonaan jadwalka siday u kala horayn doonaan goboladda lagu qabanayo tababarka la siinayo shaqaalahan cusub.

“Hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa dhawaan soo baahin doonta jadwalka tababarada iyo sida goboladu u kala qaadan doonnaan.

Iyadoo  gobol walba halkiisa lagu siin doonno tababarka iyo shaqo-qaybinta haddii ALLE idmo” ayuu guddoomiyaha hay’adda shaqaaluhu ku yidhi qoraalkiisa.

 

Hargeisa Press/Hargaysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here