Guddoomiyaha Hay’adda La Dagaalanka Musuqmaasuqa Oo Sheegay Inaanay Xukumaddu Wali Go’aansan Suulinta Musuqa

0
971

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha Hay’adda Maamul Wanaaga iyo La dagaalanka  Musuq-maasuqa Somaliland Axmed Muxumed Madar,oo ku guda jira socdaal uu gobolada bari ku marayo ayaa sheegay in guud ahaan hay’addaha dawladda uu ku jiro qalooc maamul.

Waxa uu sheegay in wakhti badan hay’addiisa kaga lumay hagaajinta maamulka dawladda dhexe, balse ilaa hadda aanu maamulkaasi hagaagin “Inta badan waxa wakhtiga naga qaatay dawladda dhexe sidii hab-maamulkeedda wax looga qaban lahaa,  inkasta oo aanay wax badani nooga suurtoobin, oo aanay sidii aanu doonaynay u fulin hadana kamaanu daalin ee intii awoodayadda ah waanu wadnay” ayuu yidhi  Axmed oo Wargeyska Dawan u waramayay isagoo Burco ku sugan.

 

Axmed Muxumed Madar, waxa uu sheegay in ay wali ku qaylinayaan sidii loo toosin lahaa hab maamulka marinkiisa gees maray ee xukumadda oo uu tilmaamay in dawladda dhexe ilaa heerarka kala duwan ee maamulka uu ka jiro maamul qaloocday.

“Maamul-wanaaga dalku wuu ka siman yahay heerka ay ka taagan yihiin, ma kala horeeyo. meelahaa aanu soo marnay maamulkaasi qaloocani wuu ka jiray. Arrinta aanu daba socono ee aanu wacyigelinta ka samaynaynaa waa taa sidii loo toosin lahaa ee wax looga qaban lahaa. Markaa iyadoo kooban weli maamulkii wuu qaloocaa toosintiisiina waanu  ku jirnaa kolay mudana way qaadanaysaa,” ayuu yidhi Mr Axmed.

Caqbadaha Haysta Komishanka Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa:-

Waxa uu sheegay in xafiiskan loo abuuray sixista hab maamulka hay’addaha dawladda iyo dabagalka sida masuuliyiintu u maamulayaan adeegyada ay bulshada u hayaan, balse xafiiska aan awood sharci loo siin inay wax ka qabtaan qalooca iyo khaladaadka ay ku arkaan masuuliyiinta.

“Horta waajibka la noo abuuray, markii lagu dhawaaqay Komishan wuxuu ahaa waajib sidii loo abuuray in awoodeeddana loo siiyo. Nasiib darro awoodahaasi Komishanku muu helin, oo kama helin xagga goleyaasha baarlamaanka iyo xagga xukuumaddaba. Markaa waxa wiiqay waxqabadkayagii awoodahayagii aanu doonaynay in lana siiyo, lanama siin.

 

Haddana iyadoo ay sidaas tahay kumaanu niyad jabin, ee wixii aanu ka qaban karaynay maamulkaa qaloocday in aanu ku toosino waanu u Guntanay intii karaankayaga ah. Waxay ku soo ururtay awoodayada in aanu warbixino ka diyaarino qaladaadka iyo dhaliilaha aanu aragnay, oo aanu raacinay wixii lagu toosin lahaa taasina waxaanu u gudbinaynay cidii noo igmatay hawsha intii dhinacyaga ahayd hawsha anagu waanu qabanay wax nagaga soo noqdayna ma jiraan.”

 

Waxa uu sheegay in xeerka Komishankiisu yahay mid wiiqay awooda Komishanka  “Xeerkaasi wuu dhamaaday, waana la soo ansixiyay waxaanu noqday xeer aan awoodo badan lahayn, markaa kii ayaanu ku shaqaynaynaa imika”.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inaanay xukumadda ka go’nayn inay musuqa wax ka qabato “Marka aan soo ururiyo, caqabadda ugu weyn,  waa iyadoo la sii guddo galay uun, waxay tahay  rabitaan siyaasadeed oo aan jirin, waayo rabitaanka ayaa wax walba ka horeeya wixii in la doonayo  oo ay ka go’an tahay xukuumadda  inay maamulkan qaloocana toosiso, musuq-maasuqana la dagaalanto, ayey tahay halkii laga bilaabayay. Markaa  taas ayaan weli la go’aansan, oo maqan, mar haddii ay taasi maqan tahayna, awoodda aad ku shaqaynaysaa wa amid aan sidii loogu tallogalay u shaqaynaynin.”

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here