Guddoomiyaha Hay’adda Dhowrista Tayada oo Ka Hadley Tubaako Muran Dhalisay oo Dalka La Soo Geliyay

0
1472

Hargeisa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha hay’adda dhowrista Tayada Somaliland, Muuse Xasan Xaaji Yuusuf ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrin maalmihii u dambeeyey muran xoogan dhalisay oo la xidhiidha Tubaako dalka soo gashay.

Tubaakadan ayaa waxaa si weyn uga qayliyay islamarkaana ka digay masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada mucaaridka iyo Culimada dalka.

Guddoomiyaha hay’adda Dhowrista Tayada Somaliland Muuse Xasan Xaaji oo maantaa warbaahinta kula hadley xafiiskiisa ayaa waxaa uu cadeeyay in Tubaakadaasi ay si sharci ah dalka ku soo gashay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in Tubaakadaasi markii ay ku arkeen garoonka diyaaradaha Hargeysa ay baadhis ku sameeyeen, islamarkaana ay la xidhiidheen shirkadii Tubaakadan dalka soo gelisay si ay macluumaad ku saabsan tubaakadaasi ay uga helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here