Ciidamada Milateriga Somaliland oo Gacanta Ku Soo Dhigay Nin Dil Ka Geystay Gobolka Sanaag

0
2381

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Ciidamada Milateriga Somaliland, ayaa howl-gal ay sameeyeen waxa ay ku soo qabteen nin hubeysan oo dhowaan dil ka geystay deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag.

Ciidamada ayaa ninkaasi oo si aad ah loo doon-doonayey maalmihii u dambeeyey ku xidhay xabsi ku yaalla degmada Ceel-afweyn ee gobolkaasi.

Dilka uu geystay ninka gacanta lagu dhigay ayaa sababay xiisad colaadeed oo u dhaxeyso labo beelood oo maalmahan ka taagneyd deegaanka Fadhigaab.

Sidoo kale, waxaa Ceel-Afweyn haatan ka socda dadaallo nabadeed oo la doonayo in lagu qaboojiyo dagaal beeleedyada iyo xiisadaha ka taagan gobolka Sanaag.

Dhowaan ayay ahayd markii ay xukuumadda Somaliland ay ciidamo dheeraad ah geysay gobolkaasi, kuwaas oo loogu tala-galay inay kala dhex-galaan beelaha diriraya.

Inta badan gobollka Sanaag waxaa ku soo laa-laabta dagaal beeleedyo u dhaxeeya beelaha gobolkaasi wada dega.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here