Sacuudiga oo Ganaaxaya Dadka U Dhuunta Xajka

0
1442

Riyadh (Hargeisa Press)- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijiyay inuu soo rogi doono sharci ganaax lacageed ah, kaasi oo la dul-dhigayo dadka jabiya shuruucda geliddda magaalada Maka.

Qofka lagu arko goobaha barakeysan isagoon ogolaasho haysan waxaa lagu ganaaxi doonaa aduun lacageeed oo dhan 2,666 oo doolar.

Tallaabadani ayaa looga gol-leeyahay in lagu meel mariyo sharciyada lagu xaddiday tirada dadka sannadkan xajinaya taasi oo looga hortagayo faafidda fayraska corona.

Warbixin ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Boqortooyada ayaa lagu sheegay in ganaaxaasi uu dhaqan-geli doono laga bilaabo 19-ka bishan July oo ku beegan 28-ka Dhul Qadah) wuxuuna socon doonaa ilaa bisha Ogoust labadeeda.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ganaaxa lacageed uu laba laabmayo haddii xad-gudubkaasi marlabaad qofka lagu qabto.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka mamnuucday dadka dibedda ah in ay soo xajaan sannadkan, si ay u xakameeyaan fiditaanka feyraska Karoona.

Kaliya tiro aad u kooban oo hadda ku nool boqortooyada ayaa ka qeyb gudan doonta waajibaadkaas, ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay warbaahinta dowladda.

Qiyaastii laba milyan oo qof ayaa haddii kale booqan lahaa Maka iyo Madiina xagaagan si ay uga u soo xajaan waajibadkan sannadlaha ah ee diinta Islaamka.

Waxaa jirtay cabsi laga qabay in Xajka gebi ahaanba la baajiyo.

Wakhtiyada caadiga ah ee Xajka ayaa ka mid ah wakhtiyada ugu muhimsan jadwalka taariikhda diinta Islaamka.

Laakiin kaliya muwaaddiniinta ka kala socota dalalka adduunka ee horeba u degganaa Sucuudiga ayaa loo oggolaan doonaa inay ka soo qeyb galaan sannadkan.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in tani ay tahay habka kaliya ee ay awood ugu yeelan karaan sameynta qorshayaal ay dadku ku kala fogaynayaan, taasoo dadka ka dhigi doonta inay si nabada u cibaadaystaan

Sacuudi Carabiya waxay diiwaangelisay 161,005 xaaladood oo cudurka Karoona ah iyo 1,307 dhimasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here