Guddiga Joogtadda Guurtidda Oo Kulan La Yeeshay Maareeyaha Haayadda Duulista

0
386

Hargeysa (HP): Guddida joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta kullan xog waraysi ah la yeeshay maareeyaha haayadda duulista iyo madaarada dalka.

Maareeyaha haayadda duulista iyo madaarada Somaliland Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan, wuxuu guddida warbixin ka siiyay shaqada haayaddaasi qaranka u hayso.
Waxyaabaha u qabsoomay arrimaha hay’adaasi qorshaysay in ay ku talaabsato mustaqbalka dhaw.

Cumar-sayid Cabdilaahi, maareeyaha hay’adda duulista iyo madaarada Somaliland wuxuu sheegay in hay’adda madaaradu sannadka cusub ee 2023 ay madaarka caasimada Hargeysa ay ku soo kordhin doonto Terminal cusub, isla markaana la hawl-galiyay garoonada magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco.

Halka horaanta sannadka 2023 la hawl-galin doono madaarada Laascaanood iyo Boorama, kuwaas oo hawshoodu meel fiican marayso.

Maareeye Cumar-sayid, wuxuu u mahad celiyay xildhibaanada guddida joogtada ah ee golaha guurtida, sida ay u danaynayaan in ay wax ka ogaadaan shaqada hay’adda maa.

Geesta kale guddoomiyaha guddi hoosaadka joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland xildhibaan Dayib Xasan Axmed, ayaa sheegay in wartbixinta ku saabsan kullankaas guddida joogtadu la yeesheen masuuliyiinta hay’dda madaarada dalka ay gaadhsiin doonaan gole-weynaha guurtida, marka uu fasaxa ka soo laabto.

Waxaanuu u mahad-celiyay masuuliyiinta hay’adda madaarada oo siiyay warbixintii ay uga baahnaayeen, ugana jawaabay wixii su’aalo ah ee la xidhiidhay shaqada ay hay’addaasi qaranka u hayso.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here