Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Daahfuray Xog Uruurinta Qorshe-magaaleedka Hargeysa

0
1077

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliand Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa maanta si ah u daah-furay xog ururinta qorshe magaaleedka Caasimada Hargeysa, kaas oo ay fulinayso Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta.

Munaasibadan oo ahayd mid si heer-sare ah loo soo agaasimay waxa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, maayirada magaalooyinka dalka qaarkood iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dhulka iyo Guryeynta Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradaasi Maxamuud Warsame Jaamac oo ugu horeyntii munaasibadaasi ka hadlay, ayaa sheegay in wasaaradda hawlaha guud ay bilaabayso xog ururinta qorshe magaaleedka hargeysa, kaas oo ay sheegeen in loo raacayo hagaha Master Planka ee loo yaqaano NUPS.

Waxaana ay intaasi ku dareen in qorshahan cusub marka uu dhamaado ay magaalada Hargeysa noqon doonto caasimad la qurux ah caasimada kale ee adduunka, iyadoo 20- sannadood ee soo socda lagu shaqayn doono nashqadan cusub.

Maayirka Caasimada Hargaysa Cabdikariim Axmed Mooge oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ka dowlad hoose ahaan ay codsadeen in loo sameeyo Master Plan, waxa uu u mahadceliyey guddiga nashaqaynta qaranka iyo wasaarada hawlaha guud oo uu sheegay in ay codsigaasi ka aqbaleen.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyaduna munaasibadaasi ka hadashay ayaa tilmaantay in ay tahay guul qaranka u soo hoyatay in qorshe magaaleed loo sameeyo caasimada dalka ee hargaysa.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed oo isna munaasibada hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in xafiiska nashaqadaynta Wasaaradda Hawlaha Guud la hirgaliyey 12-sanno ka hor, mudadaas wixii ka dambeeyeyna ay qabteen shaqo aad u wanaagsan, waxa uu wasaaradda hawlaha guud ku hambalyeeyey billowga qorshe magaaleedka Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isna dhankiisa tibaaxay in aan dadweynaha Hargeysa ka yeeli doonin in ay ka hor yimaadaan qorshe magaaleedka cusub ee caasimada Hargeysa, iyada oo hore loo soo qorsheeyey 7- magaalo oo ah darajada A iyo shan magaalo oo ah darajada B.

Ugu dambayn Madaxweyne Ku-xiggeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) oo daah-furay xog ururinta qorshe magaaleedka Caasimada dalka ee Hargeysa, ayaa ka waramay baahida ay Hargeysa u qabto in ay yeelato qorshe magaaleed cusub, waxa uu sheegay in garab taagan yihiin fulinta nashqadan cusub, isagoo ku hambalyeeyey wasaarada hawlaha guud hambalyeeyey bilowga qorshahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here