Guddiga Abaaraha Sool Oo Caawimooyin Kala Wareegay FOA iyo Amal Banka

0
748

Laascaanood (HP): Guddiga abaaraha ee gobolka Sool ayaa kala wareegay wasaaradda xanaanadda xoolaha Somaliland oo kaashanaysa haayadda FOA 800 oo booyadood oo loogu tallo galay dadka abaartu saamaysay ee gobolka Sool.


Waxaana caawimadaasi la wareegay guddoomiyaha gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ahna guddoomiyaha guddiga abaaraha gobolkaasi, oo ay wehelinayeen xubno ka mid guddigaasi.
Cabdikariin Aadan X Diiriye, ayaa uga mahad celiyay caawimadaasi wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha Siciid Sulub Maxamed, iyo sidoo kale haayadda FOA.



Geesta kale guddiga abaaraha ee gobolka Sool ayaa shirkadda xawaaladaha ee Amal Bank kala wareegay deeq lacageed oo dhan 6000$ (Lix kun), taasoo ay ugu tala galeen in ay kaga qayb qaataan dadka abaaraysan ee gobolka Sool.
Badhasaabka Sool ayaana masuuliyiinta shirkadda Amal Banka uga mahad celiyay caawimadaasi, isagoona xusay in guud ahaan Amaal Banka ay mar kasta ka qayb qaadata arrimaha bulshadda.
Waxaanu badhasaabku ugu baaqay bulshada, iyo Ganacsatada kale, ururada khayriga iyo haayadaha kaleba inay ka qayb qaataan gurmadka dadka abaaraysan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here