Madaxweynaha Jabuuti Oo Fariin U Soo Diray Somaliland

0
872

Djibouti (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa fariin u soo diray shacbiga Somaliland oo la xidhiidha Dabkii xalay qabsaday suuqa ugu weyn magaaladda Hargaysa ee Waaheen.

Waxaana fariintaasi lagu sheegay in dawladda iyo shacbiga jamhuuriyadda Jabuuti ay garab taagan yihiin shacabka walaalaha aan nahay ee reer Somaliland.

Anaguna waanu garab taaganahay sidaan had iyo jeerba waxba uga hakranin.

Fariintantaasi waxa kaloo lagu sheegay in saaka uu madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweyne Muuse Biixi, waxaana berri Hargeysa iman doona wefti ka socda Jabuuti.

Warkaasina waxa uu lagu yidhi “Waxaa murugo weyn nagu ah dabki xalay qabsaday suuqa ugu wayn magaalada Hargeysa ee Waaheen.Dhibaatadii xalay ka dhacday magaalada Hargeysa wa mid aad iyo aad no tabatay hadan nu nahay reer jabuuti.

Waxaanu garab taaganahay shacabka walaalaha aan nahay ee reer Somaliland. Waxa aan shaki ku jirin in ay ka bixi doonaan dhibkaas oo ay dib u dhisi doonaan magaaladoodii quruxda badnayd.

Anaguna waanu garab taaganahay sidaan had iyo jeerba waxba uga hakranin.Waxaan saaka la hadlay Madaxweyne Muse Biixi, waxaana berri Hargeysa iman doona wefti ka socda Jabuuti. Shacbi weynaha Somaliland iyo dalkoodaba Allaha xifdiyo oo dhibkan kheyr ha ugu badilo inshaaAllah.”

Geesta kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabaya Fariintaasi madaxweyne Geelle ayaa yidhi “Mudane, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waan kaaga mahad-celinayaa dareenka naf-qaybsiga iyo walaaltinimada leh ee aad noo muujisay.

Waxa aan sidoo kale kaaga mahad-naqayaa taageerada joogtada ah ee aad nala garab joogto had iyo jeer. Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ogsoon yihiin taageerada joogtada ah ee Shacabka iyo Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti la garab taagnaayeen waligood. Waxa aan rajaynayaa in aan si wada-jir ah uga soo kabano masiibadan ka dhacday Hargeysa”.

LEAVE A REPLY