Guddoomiyaha UCID Oo Bogaadiyay Raysal Wasaaraha Soomaaliya

0
441

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha xisbiga Cadaaladda Daryeelka Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya uga mahad celiyay lacagta uu shuruud la’aan Somaliland ugu ogolaaday in loo sii daayo.
Waxaanu sheegay in lacagtaasi ay markii horeba lahayd Somaliland balse mar haddii uu xiligan oo ay Somaliland aad ugu baahan tahay uu raysal wasaare Rooble, u soo fasaxay uu ku amaanan yahay.
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta guud ee xisbiga ee magaaladda Hargaysa, ayaa sidoo kale ka hadlay qodobo kala duwan.
Geesta kale Eng. Faysal, waxa uu soo jeediyay in la diinwaangaliyo dadkii ganacsatadda ahaa ee ay waxyeelladu ka soo gaadhay Dabkii baabiiyay suuqa Waaheen, iyadoo laga talo-galinayo guddiyadii suuqaas si aan cid kale u soo dhex gelin.

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Faysal Cali Waraabe:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here