Guddida Qandaraasyada Oo Shaaciyay Shirkadaha Ku Guulaystay Fulinta 5 Mashruuc

0
1022

Berbera (Hargeisa Press): Guddida Qandaraasyada qaranka  Somaliland ayaa maanta shaaciyey shan shirkadood oo ku guulaystay mashaariic kala duwan oo laga fulinayo qaar ka mid ah gobollada dalka.

Mashaariicdaasi  oo tartankii loo galay lagu tilmaamay mid si daahfuran u dhacay, isla markaana  lagu  qabtay  magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Mashaariicdan  maanta  la kala helay ayaa kala ahaa laba Dhaam-biyood oo  laga qodayo  degmooyinka Allay-baday iyo Talleex, Roog cagaaran oo la dhigayo Garoonka Kubbadda Cagta Berbera.

Riig biyood laga qodayo degaanka Waddo-bariis ee gobolka Maroodi-jeex iyo dhisme cusub oo ay leedahay wasaaradda Waxbarashadda.

Madashii lagu soo bandhigay shirkadaha ku guulaystay mashaariicdaasi waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka, agaasimaha guud, badhasaabka Saaxil iyo qaar ka mid ahaa madaxda shirkadaha tartanka ku soo baxay.

Guddoomiyaha guddida Qandaraasyada oo ka hadlayay daahfurkii mashaariicdaas wuxuu yidhi “Shirkaddaha ku tartamaya shanta mashruuc sidii caaddada u aheyd Guddida Qandaraasyadda qaranka.

Waxaanu  idiin ballan-qaadnay in aanu tartan caddaalad ah oo xor iyo xalaala aanu idinku qaban doono, tii ayaanu ku shaqeynaynaa”.

Nuux Maxamed Xuseen,  guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda oo ku dhawaaqay shirkaddaha ku guuleystay mashaariicdaasi  waxa uu yidhi “Waxaannu ku dhawaaqaynaa shantii shirkadood ee ku guuleystay shantii mashruuc ee aanu Khamiistii daahfurnay waxa ku guuleystay Dhaamka Alleybaday Amal JV.

Dhaamka  degmadda Taleex waxa ku guuleystay Ilhaan Construction, Rooga Cagaaran ee la dhigayo garoonka degmada Berbera waxa heshay Al-Khadar Construction.

Dhismaha Wasaaradda Waxbarashadda waxa ku guulaystay Khalaf Construction,halka Riig biyoodka Wada-bariis laga hirgelinayo ay qaadatay Ixsaan Construction”.

Agaasimaha guud ee guddida qandaraasyada qaranka Somaliland  Maxamed Axmed Xasan (Jabarti-Saadle) ayaa isna halkaasi hadal ka hadlay,   waxaanu sharaxaad ka bixiyay qaabka ay shirkadihii tartamay u kala saaree.

“Shaqadii muddada badan inoo soo socotay oo ka soo bilaabantay siddeedii bishan,  maata-na aynu ku daahfurnay magaalada Berbera, shaqadaas muddada soo socotay ayay guddida qandaraasyadu inoogu soo gabagabaynaysaa”ayuu yidhi agaasimaha guddiga qandaraasyadda.

Isagoo hadalka sii watay na waxa uu yidhi “Waynu ognahay ka guddi qandaraasyo ahaan iyo qaran ahaan ba.Guddida  qandaraasyada qaranku si xor iyo xalaal ah ayay tartanka u qabtaan, maalin ba shirkad ayaa guulaysata, taasina waa siffaha caddaalada iyo tartanka xorta ah lagu garto”.

Badhasaabka gobolka Saaxil  Axmed Cismaan Xasan, oo isna goobta ka hadlay  ayaa si weyn u soo dhaweeyay daahfurka shantan mashruuc oo uu ku tilmaamay  guulo aan la qarin karin ee xukuumaddu gaadhay in tartammada qandaraasyada lagu qabto gobollada waddanka oo aanay ku ekaanin caasimadda oo kaliya.

Geesta  kale waxa goobtaas ka hadlay qaar ka mid ahaa masuuliyiin u hadlayay shirkadihii lagaga guulaystay tartankii shantaas qandaraas.

Waxaanay  caddeeyeen in qandaraasyadaasi loogu tartamayey si hufan oo xor ah, waxaanay bogaadiyeen shirkadihii ku guulaystay oo ay xaqiijiyeen inay u haneeyeen.

 

 

Hargeisa Press/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here