Guddida Bilicda Hargeysa iyo Masuuliyiinta Dawladda Hoose Oo Soo Dhaweeyay Warshadda Dhismaha Waddooyinka Oo Hargeysa Soo Gaadhay + SAWIRRO

0
1068

HARGEISA, (HargeisaPress) — Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa keentay wajiga labaad ee qalabka lagu dhisayo waddooyinka oo ah warshad isku qasaysa Daamurka iyo Jayga, taasi oo dalka Itoobiya laga soo iibiyey.

HAR 4

Marwada madaxweynaha Aamina Waris oo ka tirsan guddida bilicda caasimada, xubno golaha wasiirrada ka tirsan iyo masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa ayaa si diiran u soo dhaweeyay qalabka oo magaalada Hargeysa si dhoola tus ah loo dhexmarayay islamarkaana muddo lagu hakiyay madaxtooyada horteeda.

HAR 66

Marwada madaxweynaha, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka arrimaha gudaha oo madaxtooyada horteeda saxaafadda kula hadlay ayaa uga mahadceliyay dawladda hoose ee Hargeysa soo iibinta qalabka oo ay tilmaameen inuu wax ka tari doono jidadka caasimada.

HAR 7

Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa sharaxay qalabka Hargeysa soo gaadhay “Alaabta halkan maraysaa waa wajigii labaad ee qalabka dhismaha waddooyinka, waa warshaddii, waxaana hore u yimid iska rogooyinkii, baldowsartii, bayfartii, iyo iskaafeetarkii. Waxa halkan maraysaa waa warshaddii oo 150 tan saacaddii soo saaraysa,” ayuu yidhi Maayarku, isagoo intaasi raaciyay mahad uu u celiyay wasiirka maaliyadda, wasiirka arrimaha gudaha iyo marwada iyo madaxweynaha oo gacan ka gaystay dadaalka qalabkan lagu soo iibiyay.

HAR 8

Wasiirka maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay in qalabkani astaan u yahay in Somaliland oo aan la aqoonsan waxqabsan karto “waxa kale oo ay astaan u tahay in cashuurta laga qaadayo  gaadiidka iyo dadku ay dib ugu noqonayso wadooyinkii la mari lahaa. Madaxweynuhu wuxuu nagu hoggaamiyaa in wadanka horumar la gaadhsiiyo, tana waxay ka mid tahay horumarkii. Illaahay baynu ugu mahadnaqaynaa, waxaynu uga mahadnaqaynaa sidoo kale Maayarka oo fikiray oo soo helay sidii aynu lacag jaban ugu heli lahayn qalabka waayo? Toban milyan oo dollar kama yaraateen  haddaynu meelo kale ka raadin lahayn,” ayay tidhi Marwo Samsam.

HAR 3

Wasiirka arrimaha gudaha  Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa qalabka uga mahadnaqay madaxweynaha iyo marwada qaranka oo uu sheegay inay ku hawlan yihiin wanaajinta bilicda magaalooyinka Somaliland “Waxaan u mahadnaqayaa maayarka, xoghayaha iyo golaha degaanka, waxaanay raggaas oo maayarku ugu horreeyaa suuro galiyeen dhaqaalaha qalabka lagu soo iibiyay. Waxaan u mahadnaqayaa wasiir Samsam oo bixisay lacagtii u horaysay oo hal milyan oo Dollar ah,” ayuu yidhi wasiirku “Waxaan filayaa inay dhammaan muuqaalka magaalooyinka Somaliland dhawaan isbedeli doonaan oo Hargeysa ugu horrayso, waxayna noqon doonaan qalabkan marka Hargeysa lagaga shaqeeyo mid gobollada kale u gudba.’

har 5

Marwada madaxweynaha oo ugu dambeyn ka hadashay dareenkeeda qalabkan ayaa wax lagu farxo ku tilmaantay “Runtii arrinta halkan ka dhacday waa wax lagu farxo. Soomaalidu waxay tidhaa “ huggaaguna wuu kula baryo tagaaye,” Hargeysa waa caasimadii Somaliland, Hargeysa quruxdeeda, bilicdeeda, nadaafadeeda iyo habka ay u samaysan tahay waa waxaynu ku faanayno oo sharafteena, gobonnimadeena iyo citiraafkeena soo dedejin karta,” ayay tidhi Marwo Aamina Waris.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here