Gollaha Guurtida oo Dood Ka Yeeshay Siyaasadda Deegaanka

0
1009

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xildhibaanada aqalka Gollaha Guurtida Somaliland, ayaa waxaa ay maanta dood ka yeesheen siyaasadda arrimaha deegaanka, iyo xaalufka iyo mabaad-guurka deegaanka ku yimid.

Waxaanay mudaneyaashii doodda ka dhiibtay fadhigaasi ay ka midaysnaayeen dhibaatadda soo waajahday deegaanka dhulka Somaliland iyo xaalufka daran ee ku socda deegaanka.

Iyadoo ay xildhibaanadu tilmaameen sida ay lagama maar-maanka u tahay in la dar-dar geliyo siyaasadaha xukuumadda iyo xeerarka iyo sharciyadda wax lagaga qabanayo deegaanka.

Fadhiga maanta oo uu shir-guddoominayay Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyaha golahs Guurtidda Somaliland ayay mudaneyaashu ku lafo gureem arrimaha deegaanka.

Xildhibaan Axmed-nuur Aw Cali, oo ka mid ahaa mudaneyaashii doodii maanta ka qayb qaatay ayaa sheegay in qof kastoo bulshadeena ka mid ah uu qayb ka yahay dhibaatadda deegaanka haleeshay.

Si wax looga qabto dhibaatadda soo waajahday deegaanka gaar ahaana jarista dhirta qoyan, Dhuxulaysiga, oodashada Seereyaasha sharci darrada ah ayaa ka mid ah waxyaabaha ay wasaaradda deegaanka Somaliland sanadahan danbe sida weyn uag hawl gashay.

Sida uu sheegay xildhibaan Maxamed Sheekh C/raxmaan, oo isna ka hadlayay fadhigii maanta ee golaha Guurtidda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here