Wiil Arday Ah oo Ka Soo Jeeda Soomaaliya oo Lagu Toogtay Magaalada Boorama

0
3412

Boorama (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa waxaa ay sheegayaan in Wiil Arday lagu toogtay magaaladaasi.

Wiilkan oo dhigan jiray Jaamacadda Camuud ee maagaalada Boorama, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliland ku toogtay Agagaarka Jaaamacaddaasi.

Ardaygan oo lagu magacaabi jiray Ibraahin Cabdishakuur Ibraahin, ayaa waxaa la sheegay inuu ka soo jeeday Koonfurta Soomaaliya isaga oo magaalada Boorama u soo Waxbarasho doontay, waxaana lagu soo waraamayaa inuu u dhintay wiilkan Ardayga ahi.

Sababta dilka Ardaygan keentay, ayaa la sheegay in ahayd kadib markii ay is af dhaafeen askariga iyo ardaygu, iyadoo ardaygu uu doonayay in uu gudaha jaamacadda galo si uu uga soo qaato telefoon uu kusoo illaabey.

Waxaana Maydka wiilkan, loo qaaday Cisbitaalka wayn ee magaalada Boorama, iyadoona ay Ciidamada dambi-baadhistu ku howlan yihiin sidii ay u ogaan lahayeen waxa sababay toogashada.

Maamulka Jaamacadda Camuud oo ka hadlay dilka Ardaygan, ayaa waxaa ay beeniyeen wararka sheegaya in ardayga sababta loo dilay ay ahayd inuu calanka Soomaaliya ku lebbisnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here