“Golaha Wakiiladu waa in ay sameeyaan shuruucdii lagu ilaalin lahaa dhirta…”

0
259

Boorama (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhireyntii u horeysay ka bilaabay xarunta guriga madaxtooyada magaaladda Boorama.

Dhirtan waxaa beertay soo na bixisay wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL xafiiskeedda gobolka Awdal.

Taasoo qayb ka ah dhir abeerista iyo quruxda magaalooyinka waddanka oo dhan, isla markaana ay fulinayso wasaaradda deegaanka Somaliland.

Waxaanu qorshuhu yahay in dhirayntaasi laga fuliyo guud ahaanba magaalooyinka dalka si kor loogu qaado bilicda iyo quruxda.


Bilawga wejiga koowaad ee dhir beeristan uu madaxweyne ku-xigeenku ka fuliyay Boorama, oo uu hawlo shaqo u joogo waxaa ku wehelinayay isku-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Awdal, iyo masuuliyiin kale.

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaana guriga madaxtooyadda Boorama ku beeray saddexdii geed ee u horeeyay oo qayb ka ah mashruuca dhiraynta magaalooyinka dalka.

Waxaanu ugu baaqay guud ahaanba bulshadda reer Somaliland gaar ahaana dadka Awdal in ay su weyn uga qayb qaataan barnaamijka dhiraynta magaalooyinka.

Mar kale waxaan ku adkaynayaa ummada reer Somaliland aan u midawno sidii aan u soo celin lahayn Caggaarkii, iyo quruxdii dhulkeena.

Iyadoo ay inagu hogaaminayso Shukri Baandare, wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL, oo ah aqoon yahan aad u fahamsan qiimaha deegaanka, iyo dhirta, oo inagu hogaaminaysa sidii dalka loo dhirayn lahaa, loo na ilaalin lahaa deegaanka, iyo bay’adda Somaliland.

Iyadoo na wasiir Shukri, ka turjumaysa siyaasadda xukuumadan xisbiga Kulmiye, ee uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi”.

Geesta kale madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa golaha Wakiiladda Somaliland u soo jeediyay in ay sameeyaan shuruucdii dhirta wadanka lagu ilaalin lahaa.


Dhinaca kale isku-duwaha wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland ee gobolka Awdal, oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in dhirtaasi ay ugu tallo galeen in lagu beerro gudaha xarunta guriga madaxtooyadda Boorama, iyo sidoo kale waddooyinka galla gurigaasi.

Dhirtaasi oo kumanaan geed gaadhaya ayuu isku-duwuhu tilmaamay in lagu diyaariyay xarunta dhur-beerista wasaaradda Deegaanka ee magaaladda Boorama.

DAAWO: Madaxweyne ku Xigeenka JSL Dhireyntii u horeysay Ka Bilaabay Madaxtooyada Boorama:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here