Agaasimaha Guud Ee W. Dastuurka Oo Kulan La Qaashay Agaasime Waaxeedyadda

0
286

Hargaysa (HP): Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa maanta kulan la qaadatay agaasimeyaasha Waaxyaha wasaaraddaasi.


Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, ayay u jeedadiisu ahayd sidii ay isku xog warayaan lahaayeen agaasimaha guud, iyo agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi.

Waxaana intii uu socday kulankaasi lagu lafo gurey waxyaalihii u qabsoomay waaxyaha wasaarada saddexdii bilood ee u danbeeyay.

Sidoo kale waxaa kulanku lagu falan-qeeyay sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha shaqo ee Waaxyaha wasaaradaasi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf, ayaa Agaasimayaasha Waaxyaha kula dar-daarantay sidii ay hawlahoodda shaqo ugu gudan lahaayeen si hufnaan, iyo xil-kasnimo ay ku dheehan tahay.


Waxaanay agaasime Deeqa Cabdi Yuusuf, agaasimayaasha Waaxyaha wasaaraddaasi uga mahad naqdey hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan.

Marwo Deeqa, ayaa sidoo kale xubnaha agaasime waaxeedyadda ah ku dhiirigelisay in ay halkaa ka sii wadaan shaqada wanaagsan ee ay qarankooda u hayaan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here