Golaha Wakiiladda oo Ansixiyay Xeerka Kufsiga

0
1181

Hargaysa (Hargeisa Press): Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta ansixiyay xeerka Kufsiga iyo Sinnada oo ay muddooyinkanba xildhibaanadu ka doodayeen.

Waxaanay xildhibaanadu qodob qodob u ansixiyeen qodobadda uu ka kooban yahay xeerkaasi.

Iyadoo fadhiga saaka uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax, isla markaana ay ka soo xaadireen 40 mudane.

Xoghayaha golaha Wakiiladda C/rasaaq Ayaanle, ayaa golaha u akhriyay qodobadda xeerkaasi.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here