Faysal Cali Waraabe oo Baaq Culus U Diray Madaxweyne Muuse Biixi

0
1964

Hargeisa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu fariin u diray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiye Faysal ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi inuu gogol u fidiyo cidkasta oo tabasho qabta, islamarkaana tabashadooda dhagaysto.

Sidoo kale, waxaa uu si weyn u soo dhoweeyay hadal uu shalay jeediyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo uu kaga hadleyay qabsoomida doorashooyinka.

Guddoomiye Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale bulshada Somaliland uga digay inay isku adeegsadaan aafada qabyaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here