Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyey Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Golaha Deegaanka Oo Wax Ka Badel Iyo Kaabis Lagu Sameeyey

0
1148

Hargeysa,(HargeisaPress) —Mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa maanta kalfadhi ay iskugu yimaadeen waxay  cod aqlabiyada ku meel mariyeen xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka oo wax ka badel iyo kaabis lagu sameeyey.

Waxaana xeerkan mudanayaasha usoo gudbiyey gudida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Kalfadhigana ayaa ahaa mid ay kasoo xaadireen 41 xildhibaan,waxaana hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Intaasi ka dib waxa la guda galay codaynta iyo ansixinta xeerkan wax ka badalka iyo kaabista lagu sameeyey,waxaana u codeeyey in la ansixiyo xeerkan 37 mudane, saddex kamid ah ayaa aamusay halka 1 xildhibaana uu diidey,waxaana sidaasi lagu ansixiyey xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka ee ay golaha usoo gudbiyeen gudida komishanka doorashooyinku.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here