Farmaajo oo Qaatay Tallaalka Covid-19

0
612

Muqdisho (Hargeisa Press) – Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaatay tallaalka cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Tallaalka ayaa sidoo kale waxaa qaadatay Wasiirka Wasaarradda Caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur.

Tallaalka ayaa laga bixiyey cisbitaalka Martiini ee lagu dabiibo dadka qaba xanuunka COVID-19.

Bilowga tallaalka ayaa ka dambaysay markii shalay ay Muqdishu soo gaadhay qaybtii ugu horraysay ee tallalka Soomaaliya ay ka heshay mashruuca COVAX oo ay samaysay hay’adda caafimaadka Adduunka WHO.

Shalay waxaa Muqdishu soo gaadhay 300 kun oo tallaal, hase yeeshee waxay Soomaaliya sheegtay inay qayb ka tahay 1 milyan iyo 200 kun oo tallaal oo Soomaaliya filanayso.

Tallaalka ayaa imanaya xilli Soomaaliya uu ku sii faafayo wejiga labaad ee cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here