Golaha Guurtidda Faransiiska Oo Bogaadiyay Hanaankii Ay U Qabsoomeen Doorashooyinkii Somaliland

0
760

Paris (HP): Golaha Guurtidda ee dalka Faransiiska ayaa Somaliland ku bogaadiyay hanaankii iyo sidii quruxda badnayd ee ay uga qabsoomeen doorashooyinkii isku sidkanaa ee dhacay badhtamihii sanadkani aan ku jirno.

Waxaanay sheegeen in ay Somaliland kala shaqayn doonaan sidii ay beesha caalamka uga heli lahayd aqoonsi caalami ah.

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka faransiiska Cali Xasan Ismaaciil, oo marti qaad loogu sameeyay xarunta golaha Guurtidda ee dalka Faransiiska ayaa kulan la yeeshay xubnaha guddiga saaxiibadda dalalka Afrika.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here