Boorama: Maayarka iyo Badhasaabka Oo Soo Kormeeray Waddooyin Ay Roobab Waxyeelo Gaadhsiiyeen

0
300

Boorama (HP): Guddoomiyaha gobolka Awdal oo uu wehelinayay maayarka Boorama ayaa kormeer ku soo maray meello ka mid magaaladda Boorama oo ay waxyeelooyin soo gaadhsiiyeen roobab maalmahan da’ay.

Meelaha ay roobabku waxyeeladda u gaysteen waxaa ka mid ah buundadda xaafadda Sheekh Cismaan ee galbeedka magaaladda Boorama, kaasoo ay daadadku qashin fara badan ku awdeen.

Maayarka Boorama iyo badhasaabka Awdal waxaa goobihii ay kormeerka ku soo mareen masuuliyiinta dawladda hoose ee qaabilsan hawlaha dhismaha jidadka iyo ingiineerradda khibradda u leh arrimahaasi.

Waxyaabaha keenna in xiliyadda ay roobabku da’aan in ay Daadadku dhibaato ka gaystaan magaalooyinka waxaa sabab u ah in ay xidhmeen meelihii ay biyuhu marayeen.

Sida uu sheegay maayarka Boorama Maxamed Axmed Warsame, oo ka warbixinayay khasaaraha uu wadooyinka u gaystay roobkaasi.

Maayarku waxa uu tilmaamay in u jeedadda kormeerkoodu ay ahayd in aay qiimayn ku soo sameeyaan dhibaatooyinkii uu gaystay Daadadkii ka dhashay roobkii dhawaan ka da’ay magaaladda Boorama.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here