Geerida Geesigii Muj. Cabdi Cismaan Aw-Cali (Cabdi Naano) Maxaan ka ogaa Halgankiisa Maalmihii Qadhaadhaa?

0
1098

Inaa Lilaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun , Marka hore waxaan Tacsi u dirayaa Qoyska, Qaraabada, iyo Ummada Somaliland ee uu maanta ka baxay Allah Naxariistii Janno ha ugu deeqee Marxuum Cabdi Cismaan Aw Cali oo ku magac dheeraa Cabdi Naano oo uu maanta Dhagarqabe ka xaq darani uu ku dilay Nawaaxiga Masalaha ee magaalada Hargeysa.

Marxuumku waxa uu ahaa Geesi ka soo qayb qaatay halgankii qadhaadhaa ee shacbigeenu uu kula jiray Xukuumadii Haligantay ee Maxamed Siyaad Barre uu hormuudka u ahaa. Waxaan jecelahay inaan halkan wax yar ku xuso taariikha kooban iyo aqoonta aan u lahaa marxuumkaas.

Qiyaas ahaan waxay ahayd billihii u horreeyay ee Sanadkii 1989kii anaga oo ku sugnayn deegaanka Maygaagaha ee koonfur kaga beeggan xeridii Qaxootiga ee Biyoxidheenka la odhan jiray oo wax yar xagga Bari ka xigtay magaalada Hargeysa ayay ahayd galab Casar ah oo cadceedu ay gaaban tahay markii ay ka soo degeen gaadhi xamuul ah oo ay saarnaayeen isaga iyoi Marxuum kale oo ay wada socdeen, saaxiibna ay ahaayeen oo la odhan jiray Allah ha u naxariistee Maxamed Maxamuud Warsame oo ku magac dheeraa “Casay” waxaanay ka yimaadeen Tuulada Kaam-Abokor oo ku taallay gudaha Itoobiya oo ahayd meel ay degenaayeen kumanaan qaxooti ah oo Hargeysa iyo Burco ka soo qaxay sanadkii 1988kii. Deegaanka Maygaagaha waxaa ku yaallay dhir dhaareer oo Qudhac u badnaa, xiligaasna weerrada iyi dagaaladu may ahayn kuwo xawli ku socday oo waxay ahaayeen googoos.

Marxuum Cabdi Naano waxa uu markaas kasoo kabtay dhaawac ku gaadhay gudaha magaalada Hargeysa markii uu dagaalku ka bilowday sanadkii 1988kii, markii uu bogsadayna waxa uu noogu yimi si uu halgankii usii wado oo uu dagaalka u galo, dalkiisana uga xoreeyo Dawladii dhagarta qabtay ee Maxamed Siyaad Barre uu hogaaminayay.

Aragtidii iyo aqoontii iigu horreysay Cabdi Naano iyo saaxiibkii Casey waxay ii ahayd galabtaas, Hase yeeshee waxaan markiiba ogaaday inuu ka mid ahaa Ardaydii ka qalin jabisay dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali ee magaalada Hargeysa oo markii SNM ay soo gashay Hargeysa qoriga qaatay oo halgankii ka qayb qaatay, kuna dhaawacmay.

Dagaalkii Bali Gubadle; Geeridii Muj: Casey iyo Dhaawiicii Muj: Cabdi Naano !

Galabtii qadhaadhayd ee ay Ciidamadii Dawlada Siyaad Barre gacanta ku dhigeen Magaalada Balli-gubadle oo ahayd Xaruntii Almis ee Xoogaga Wadaniga Soomaaliyeed ee SNM saldhiga u ahayd waxa ay Muj: Cabdi Naano iyo Muj: Maxamed Warsame Casey ay ka mid ahaayeen ciidankayagii guutada Koodbuur ee weerarka ku qaaday ciidamadii dawlada ee Baligubadle qabsaday oo uu hogaaminayay Jen. Cabdi Casiis Cali Barre, waxaana markiiba dagaalkaas dadka ku dhintay ka mid ahaa Muj.Maxamed Warsame Maxamuud Casey, waxaana ku dhaawacmay Marxuum Cabdi Naano oo ay garabka xabadu kaga dhacday.

Allah ha u Naxariistee Cabdi Naano markii uu dhaawaca ka bogsaday hadana muu nasan ee waxa uu sii waday kana mid ahaa ururkii SNM ilaa Dalka Hooyo laga sifeynayay xukuumadii Haligantay ee Maxamed Siyaad Barre uu Madaxda ka ahaa.

Marxuum Cabdi Naano waxa uu ahaa Geesi aan libiqsan oo aan marnaba ka gaban Xabada, naftiisana u huray Xoreyntii dalkiisa.

Allah ha u naxariistee Marxuumku waxa uu sidoo kale ka mid ahaa Geesiyaasha dalkooda hooyo usoo shaqeeyay mudadii ay Somaliland jirtay, waxaana uu ka soo shaqeeyay xilal kala duwana uu kasoo qabtay Wakaalada Biyaha hargeysa, Laanta Socdaalka, Somaliland, Wasaarada Caafimaadka Somaliland iyo meelo kale oo badan.

Waxa Marxuumka aan qaddar saacado ah la fadhiistay oo aan la sheekaystay muddo Bil iyo Badh ka hor ah oo aan kula kulmay meel ka soo horjeeda Huteelka Casablanca ee ku yaalla Jidka loo maro Madaarka Hargeysa.

Allah waxaan ka baryayaa inuu Marxuumka u Naxariisto, Ehelada, iyo Asxaabta uu ka tegayna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo, waxa kale oo aan ku rajoweynahay in Dhagarqabihii Dilka geystay degdeg cadaalada loo horkeeni doono.

Fiiro-gaar ah; Li-tacaarafuu… ( Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Casey waxa uu qolo ahaan ahaan Habar-Jeclo hooyadiina waxay ahayd Ciidagale oo waxa la odhan jiray Dahabo aw Daauud, waxaana uu ahaa nin dhalinyaro ah, Geesi ah oo akhlaaq fiican oo reer Hargeysa ahaa, kuna dhintay dagaalkii Balligubadle, halka uu Saaxiibkii Cabdi Naano u ahaa qabiil ahaan Ciidagale/ Abokor Muuse) Allah labada Marxuumba ha u naxariisto. Aamiin.

 

Amb. Kaysar Cabdilkaahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here