Maraykanka Oo Warbixin Ka Soo Saaray Musuqmaasuqa FIFA

0
895

Waaxda cadaaladda ee dalka Mareykanka ayaa soo saartay warbixin ka kooban 40 bog oo ku saabsan qaabka uu u dhacay musuqmaasuqa lagu eedaynayo masuuliyiinta hay’adda Ciyaaraha Aduunka ee FIFA.

Waaxda Caddaaladda ayaa daabacday qoraal 40 bog ka kooban oo ay ka mid yihiin marqaatiyaasha, waxaana ka mid ah madaxii hore ee fulinta ee FIFA ee u dhashay dalka Mareykanka oo lagu eedeynaayo 10 dembi oo ka mid ah lacag isdabamarin, lacago si xun lagu kasbado, iyo cashuur la baxsi.

Waxaa qoraalkan ku cad inuu sheegay ninkan in isaga iyo madaxda kale ay laaluush qaateen intuu socday loolankii ay South Afrika ku soo baxday ee marti gelinta ciyaarihii aduunka ee 2010kii.

Faafaahinta ayaa soo baxaysa maalin kaddib markii madaxweynihii xidhiidhka kubadda cagta ee FIFA Sepp Blatter uu ku dhawaaqay inuu is casilaayo.

Laakiin xog hayaha guud ee FIFA, Jerome Valcke ayaa ku dooday inaanu dambi galin islamarkaana aanu ku lug lahayn qaadashada in kabadan 10 milyan oo dollar oo la sheegayo inay lunsadeen xubnaha FIFA, taas oo ah midda ay mareykanka Baadhayaan.

Mr Valcke ayaa u sheegay Info Radio ee dalka faransiiska, inaanu isagu  marna ka qeybgalin musuqmaasuqa,sidaas darteedna aanu iscasilayn.

“Ugu horeyn, majirto sabab aan u dhaho, masii ahaanaayo xoghayaha guud, iyadoo laga tixraacayo wixii dhacayay maalmihii lasoo dhaafay. masuuliyad igama saarna, mana jiraan wax aan isku eedeeyo, mana dareemaayo inaan dambi galay, mana u qiildeyayo sida aan eedlaawe u ahay” ayuu sheegay Mr Valcke.

Dacwad oogayaasha Mareykanka waxa ay tilmaamayaan inay baadhayaan isku xidhnaanta arrintan, iyagoo ka shakisan in laaluush la bixiyay xilligii ay socotay codeyntii ciyaarihii 2010kii ee South Afrika ay qabatay.

FIFA waxa ay sheegeysaa in lacagtaasi ay South Afrika ku caawisay ciyaaraha Caribbeanka.

Dawladdaha South Africa,Qadar iyo Ruushka ayaa iska difaacaya Eedaha la xidhiidha in qandaraasyada ciyaaraha aduunka ee 2010, 2018 iyo 2022 ay ku bixiyeen Laaluush si ay ugu guulaystaan.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here