Ganacsatada Somaliland oo Shaaciyay Lacagaha ay ku bixinayaan Abaaraha ka jira Dalka + SAWIRRO

0
1028

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xaaladda ay ku jiraan dadkii abaaruhu ku habsadeen ayaa laga dayrinayaa noloshoodda, waxaana warbixino ka soo diyaariyey guddida abaaraha iyo xubno wasiiro ah oo ay hor kacayso wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, waxaanay sheegeen inay abaarta dalka ka jirta tahay mid aan la eegan Karin, isla markaana u baahan gurmad degdeg ah.

 

Dadkii xoolo dhaqatadda ah ayaa iskugu yimid goobo aad u yar oo dhowaan daruur helay, kuwaas oo daaqii iyo biyihii sii dhamaanayaan, waxaanay dadkii halkaasi loogu tagay sheegeen inay u baahi qabaan biyo, cunto iyo amni oo ay xuseen in dad iyo duunyo badan iskugu yimaadeen, kuwaas oo meelo kala duwan iskaga yimaadeen, waxaanay sheegeen in haddii aan ciidan loo keenin dhibaato ka dhici karto.

MADAX 3

Madaxweyne Siilaanyo ayaa isaguna kulan iskugu yeedhay ganacstadda Somaliland, waxaanu ka codsaday inay dhaqaale ugu deeqaan dadkaasi reer guuraaga ah ee abaarta xuni ku habstay, waxaanay  shirkad kasta ugu deeqday xaddi lacageed si loo gaadhsiiyo dadkaasi.

 

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka warbixiyey najiitada kulan uu Madaxweynaha Somaliland la yeeshay gacansatada waaweyn ee dalka, kaas oo qaadhaan loogu ururinayey in ka badan Hal Milyan oo ruux oo ay noloshooda saamaysay Abaar baaxad leh.

MADAX 4

Wasiirka Madaxtooyada ayaa shaaciyey in ganacsatadu dalku ay bixiyeen deeq lacageed oo gaadhaysa Hal milyan iyo shan iyo sodon kun oo doolar ( 1. 035.000$) oo isugu jirta lacag kaas ah iyo raashin oo loogu talo galay in loogu gurmado dadka ku dhaqan gobolada barriga dalka ay ay abaarta baahsani soo food saartay.

 

Mudane Maxamuud Xaashi waxa uu sidoo kalena shaaciyey in ay Xukuumaddu go’aansatay in la mideeyo gurmadka iyo taakulada dadkaasi abaaraysan sidaa daraadeedna ay Xukuumadu ay amarayso in dhamaan mucaawinooyinka lagu wareejiyo guddida qaran ee Abaaraha.

MADAX 5

 “ maanta waxaynu halkan isugu nimid Madaxweynaha Somaliland kulan uu ku martiqaaday ganacsatadii waaweynayd ee dalka, oo qoorweyntoodii ay maanta halkan fadhido, kulankan Madaxweynaha waxa ku wehelinayey gudidii abaaraha oo shirkadahan iyo ganacsatada dhamaantoodba ay guddida qayb ka yihiin, iyo culimo Awdiinkii, guddidaas oo aynu u samaysaynay in xaaladaha noocaas ah dalka ka samato bixiyaan, dadkeena tabaalaysana ay gargaaraan.Kulankan waynu isku xog waraysanay, ujeedadii aanu idiinku yeedhnay Madaxweynaha iyo xubno guddida ah ayaa ka waramay, ganacsataduna si wanaagsan ayey u hadashay, waynu abaarnay dulucdii aynu u nimid, waxaan jecelahay inaan idiinka mahad naqo kulankaa aad soo ajiibteen Madaxweynaha, maamuus iyo milgo ayey isaga u tahay, Ummadeenana qiimo weyn ayey u tahay.”ayuu yidhi wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo ka warbixinayey kulankii ganacsataddaiyo madaxweynaha dhexmaray.

MADAX KK

Wasiirka oo shaacinaya cadadka deeqda ganacsatada  ku yaboohday, waxa uu yidhi “ Waxa halkan maanta ay kaga dhawaaqeen ganacsatadu lacag Malyuun iyo shan iyo sodon kun oo doolar ah ( 1. 035.000$) oo deeq ah, Todoba boqol iyo shan toban kun oo doolar (715.000$) waa lacag kaash ah oo guddiga culimada gacantooda soo galaysa insha Alaahu, deeqaha iyo mucaawinyooyinka waynu nidaaminaynaa, khibradii ay guddidu korodhsatay ayey ahayd, hay’ado fara badan oo Islaamiya oo dadaalaya, ururo yaryar ayaa raashimo keena, nin waliba meel buu la qabtaa, waxaas oo dhan waanu mabnuucaynaa, dawlad ahaan guddiga abaaraha ayaa naga codsaday in la mideeyo abaaraha waxaanu u sheegaynaa dadkaa in wixii taakulo ah meel uun laga wada-wadayo, oo guddiga abaaraha loo dhiibo, sababtu tahay baahi iyo mudnaansho ayaa la maamulayaa, waxa laga yaabaa in hadii aynu haantaa haduudhlaha mucaawadamda ku maamulno inay meel kaliya ku dhacdo dadka tabaalaysani waa dakeenii, goboladu waa kuweenii waa loo xaqsoorayaa gobolada iyo dadkaba, markaa waa in xarun meel kaliya laga maamulaa. Markaa ururadaas waxaanu u sheegaynaa inay gudida ku wareejiayaan wixii ay hayaan.”

MADAX 4

Magacyadda shirkadaha abaaraha ugu deeqay lacagta iyo shirkad waliba intay kaga qaybqaadanaysa waxay kala yihiin sidan hoos ku qoran:

  1. Shirkada Dahabshiil Group waxay bixisay laba boqol oo kun oo doolar (200.000$)
  2. Shirkada TELESOM waxay bixisay Boqol iyo konton kun oo doolar (150.000$) oo laba qaybood ah. Sideetan kun 80. 000 $  oo ay guddida ku wareejinayso iyo todobaatan kun (70.000$) oo ay gobolada kaga yabooheen.
  3. Shirkada OOMAR waxa ay ku yabooday raashin dhan afar kun oo qoys oo gaadhaysa laba boqol oo kun oo doolar (200.000$).
  4. Shirkada Somcable waxay ku yaboohday laba boqol oo kun oo doolar (200.000$) oo khaash ah.
  5. Xaaji Baxsane (Red Sea company) wuxuu ku yaboohay kontan kun oo doolar ( 50. 000$).
  6. Shirkada Al Harbi waxay ku habooday Sideetan kun oo doolar (80. 000$), oo isugu jira sodon kun (30. 000$) oo doolar oo kaash ah Iyo konton kun (50. 000$) oo raashin ah.
  7. Shirkada Haamaha kaydka Shidaalka Berbera (BOG) waxay ku yabooheen Boqol iyo konton kun oo doolar (150.000$).

Isug gaynta guud ay tahay Malyuun iyo Shan iyo Sodon kun oo Doolar ah ( 1. 035.000$) oo 715.000 $ oo doolar ay naqan tahay.  waxa kale oo kun doolar(1.000$) bixiyey Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo shirka ku sugnaa.

 

Abaartan ayaa la sheegay inay dad iyo duunyaba halis kugu jiraan, iyadoo wakhtigan lagu jiro xoolo badan ku dhinteen abaarta awgeed, waxaana wararku sheegayaan haddii aan gurmad degdeg ah loo gurman inay halis ugu jiraan dadkii oo guryahoogii ka soo qaxay iyagoo deegaanno ka fog fog u hayaan tagay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here