“Gacmo shisheeye ayaa ka danbeeya salaadiintan oo dhaq-dhaqaajinaya wax qarsoon ma aha waxaan leeyahay beelihiina ku ekaadda”… xildhibaan Shaadh

0
1287
Xildhibaan C/raxmaan Shaadh

Hargaysa,(HargeisaPress)- Xildhibaan C/raxmaan Cismaan Xasan (Shaadh), oo ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland ayaa ugu baaqay madax dhaqameedka in aanay faro-gelin arrimaha siyaasadda iyo wadahalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaanu sheegay in aanay jirin meel uga banaan salaadiinta iyo madax dhaqameedka arrimaha siyaasadda, isla markaana ay salaadiintu ku ekaadaan hawlaha beelahaoodda.

Wuxuu ku dooday in sida uu dastuurka Somaliland cadeeyay aanay u banaanayn in madax dhaqameedku ay wax kaalin ah ku yeeshaan arrimaha siyaasadda sida wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.Sidaas darteedna wixii ku saabsan qadiyadda wadahadaladda iyo arrimaha la xidhiidha ay dalka iyo dadkaba uga masuul tahay dawladu, isla markaana madaxweynaha loo doortay in uu hawlahaasi ka shaqeeyo.

Xildhibaan C/raxmaan Cismaan Xasan, oo shalay magaaladda Hargaysa ugu waramay wargeyska DAWAN,  waxa uu yidhi, “Salaadiintu waxay ka mid yihiin bulshadda Somaliland. Laakiin, waxay ku abtirsadaan Qabiil iyo reerro. Salaadiinta looma igman siyaasadda. Siyaasadda waxaa loo igmaday madaxweynaha, isaga ayaana loo doortay, isagaa looga danbaynayaa, isagaa ciduu u dirayo og.

Suldaamadda waan la yaabanahay. Ma Faayrasbaa? Waxaan leeyahay suldaamoow, beelihiina ku ekaadda”.

Maadaama oo ay madax dhaqameedka ama salaadiintu ay kaalin weyn ka soo  qaateen marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray, isla markaana ay mudanta bulshadda ka mid yihiin maxaa suldaa u diidaya in ay arrimaha siyaasadda iyo masiirka ummada wixii ku saabsan ay qayb ka noqdaan.

Xildhibaan C/raxmaan Shaadh, oo su’aashaasi ka jawaabayay waxa uu yidhi, “Waxaa u diidaya, siyaasadda ayaanay iyagu ku jirin, oo ay dibadda ka joogaan. Dastuurkeenna suldaan-ba kuma jiro, caaqilka ayaa ku jira. Suldaamadda waxba looma igman. Waxay ka qayb geli karaan salaadiinta wadahadalka , haddii uu madaxweynuhu u igmado.

Waxaan leeyahay suldaamoow Cagta isku dhiga. Tiinna ku ekaada, oo ha dhaafina.  Kaalin kuma yeelan karaan madax dhaqameedku arrimaha wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya. Haddii aanu madaxweynuhu igman. Cidii madaxweynuhu u igmado ayuun baa door ku yeelan karta wadahadalka.

Madaxweyne ayaynu dooranay, dastuur baynu leenahay. Ka dhaafina dastuurka oo ha jabinina, ooku ekaada arrimaha beelihiina iyo kuwa madax dhaqameedka. Haddii aad diidaana, sharciga ayaa la idinla tiigsan”.

Geesta kale  xildhibaan Shaadh, waxa uu sheegay in salaadiinta maalmahan ku doodayay in ay ka qayb noqdaan wadahadalka ay gacmo shisheeye ka danbeeyaan, isla markaana ay cid kale u jeedooyinkoodda dhex marsanayaan.

“Waxaa la ii sheegay, Khadar (Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya) ayaa dhaq-dhaqaajinaya. Gacantaas ayaa inagu jirta oo ka danbaysa salaadiintan, oo ka dhex hadlaya.

Gacmo shisheeye ayaa ka danbeeya salaadiintani. Arrintaasi wax qarsoon ma aha, waa wax muuqda. Haddii aad Xamar doonaysaan Tigidhka ayaanu idinka bixinaynaaye, taga”.

Dhinaca kale xildhibaan C/raxmaan Cismaan Shaadh, waxa uu ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), iyo dhalinyaro ay isku beel yihiin oo sheegay in ay Somaliland ka noqdeen.

Xildhibaan Shaadh, ayaa ugu baaqay wasiirkaasi iyo carruurta uu soo ururiyay in aanay meteli Karin, isla markaana ku hadli Karin magaca beeshooda. Beeshooduna ay ka mid tahay beelaha Somaliland.

 “Niman aanu isku beel nahay, oo dawladda Xamar ka tirsan iyo carruur yar yar oo Hargaysa ka yaacay, oo yidhi xukuumadii hore maanaan tegin jirin Xamar, balse markii aanu tan waxba ka waynay ayaanu Xamar tagnay.

Waa carruur uu soo ururiyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Xayir Maareeye, oo Somaliland ka tegay. Waxaanu leenahay anaga beeshayadda ma meteli karaan Maareeye iyo carruurta uu soo ururiyay.

  Dawladayadda Somaliland ayaanu ku dhex jirnaa, dawladayadda ayaanu ka mid nahay, oo aanu ayidsan-nahay. Iyadda ayaanan ilaashanaynaa, meel kale-na uma baxayno” ayuu yidhi xildhibaan Shaadh.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Maareeyoow, Ciyaalkaa aad urursanayso, ee aad caqliga ka xadayso, adigaa meel cidlo ah maraye, iyaga-na cidlo ha marinin. Carrruurtaasina waxaan leeyahay, iska soo noqdo. Kolay berito ayuun baad Cafis na waydiisan doontaan. Halkaa (Soomaaliya) waxba idiinma yaalaan. Mar danbe-na magaca beesha haka been sheegina”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here