Gabdho Soomaali Ah oo Ku Geeriyooday Shil-Gaadhi oo Ka Dhacay Minneapolis

0
816

Minneapolis (Hargeisa Press)- Shan gabdhood oo Soomaali ah, ayaa ku geeriyooday shil gaadhi oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, Sida ay xaqiijiyeen waaxda booliska ee Minneapolis.

Shilkan, ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa waddada Legos iyo Lake St, kaddib markii gaadhi yar oo ay gabdhuhu la socdeen uu ku dhacay gaadhi kale oo xawaare saa’id ah ku soconayay.

War qoraal ah oo ay soo saareen Boolisku, ayaa waxaa ay sheegeen in booliska Minneapolis ay ka jawaabeen caawinaad ay weeydiisteen waaxda Roondada gobolka Minnesota.

Gaadhiga shilka geystay oo ahaa gaadhi weyn, ayaa la sheegay inuu booliisku baacsanayay, waxaanay ay Booliisku sheegeen in gacanta lagu dhigay darawalka masuulka ka ah shilkan, iyadoo haatan baadhitaan uu ku socdo.

Ciidanka Ilaalada Gobolka Minnesota ee fadhigoodu yahay is-goysyada 35 ee woqooyi ee u dhow waddada 46aad, ayaa arkay baabuur si xowli ah ku socda, Kahor intaan la isku dayin in la joojiyo gaadhiga oo isla markiiba ka baxay wadada weyn.

Gabdhaha, ayaa suuqa Karmel ee magaalaada Minneapolis ka soo adeegtay ka hor inta aanu gaadhiga xowligga ku socday ku dhicin, Wararku wax ay sheegayaan in sedex ka mid ah ay ahaayeen isku qoys.

Saddex ka mid ah gabadha geeriyooday, ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen walaalo.

Waxaana la sheegay in Gabdhahan shilka ku geeriyooday ay isku diyaarinayeen munaasibadda qalin-jebintooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here