Faysal Cali Waraabe oo Hanjabaad Culus U Diray Madaxweynaha Maamulka Puntland

0
1898
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag uga jawaabay hadalkii ka soo yeedhay Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland Saciid Cabdallaahi Deni.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka qaranka Somaliland aanay marnaba ka soo bixi doonin Laascaanood, taasi oo ugu baaqay Deni, si ay u kala badbaadan.

Guddoomiye Faysal oo ka jawaabaya hadalkii Deni ee ahaa “Somaliland ciidankeeda haka qaado Laascaanood,” ayaa sheegay in ciidankooda aan la qaadayn in ay sii socdaan mooyee, sid uu hadalka u dhigay.

“Saciid Deni ciidamada ka qaada ayuu yidhi Laascaanood, ka qaadi maynee balanteenu waa Yoocada, hadad joogi waydana waa inoo Garoowe,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng, Faysal Cali Waraabe.

Deni ayuu sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay in dhibaatada Laascaanood ka dhacday uu masuul ka yahay, islamarkaana madaxweynaha Puntland uu Laascaanood ka barakaciyay dadkeedii.

“Laascaanood waa ka nolol fiicnayd Garoowe iyo Boosaaso, laakiin (Deni) ayaa dadkeedii barakiciyay,” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here