Faysal Cali Waraabe oo mar Saddexaad Noqday Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga UCID

0
869

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa markii saddexaad loo doortay inuu noqdo musharaxa Xisbigaasi uga Qaybgalaya doorashada madaxtooyada ee 2017 ka dhacaysa Somaliland.

 

Shir labadii cisho ee u dambeeyay ay qabsadeen garabkii taageersanaa Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa lagu doortay Musharaxnimadiisa waxaana u helay 94 cod ergo 133 ahayd oo fadhiday kalfadhiga shirka aan caadiga ahayn ee Xisbiga UCID.

 

Faysal Cali Waraabe ayaa Xisbiga UCID u Tartamay laba doorasho oo hore kaasi oo laga adkaaday labadii wakhti ee uu tartamay.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here