Donald Trump oo ku Guuleystay Doorashada Maraykanka

0
904

WASHINGTON, (HargeisaPress) —Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku guuleystay gobolo badan oo uu aad ugaga sareeyay Hillary Clinton, waxaana taas niyad jab ku keentay taageerayaasheeda.

 

Codadka looga baahanyahay cida ku guuleysata doorashada Madaxweynaha ayaa ah 270, balse waxaa muuqata in Donald Trump uu dhaafayba tiradaas

 

Todobaadyo ka hor waxay dadku saadaalinayeen in Donald Trump laga guuleysan doono, balse ma dhicin sida dad badan filayeen.

 

Hillary Clinton ayaan taageerayaasheeda la hadli doonin, sida uu sheegay Madaxa Ololaheeda, waxaana lagu amray taageerayaasheeda inay isaga dareeraan xarunta xisbiga Dimuqraadiga.

2016119636142563823286116Cwzcp5XXcAA3UZ8

Donald Trump ayaa goor dhow ka tagay xaruntiisa, waxaana uu aaday Hotelka Hilton, halkaasoo uu kula hadli doono taageerayaashiisa.

 

Maalqabeenkan ku cusub siyaasada ayaa hadaladiisa waxay hore u dhaliyeen cadho aad u weyn intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada

.

Siyaasada Mareykanka waxaa u baryay cusub , iyadoo talada dalka ay dib ugu soo laabteen Xisbiga Jamhuuriga, Xisbiga Dimoqraadiga ayaa lagala wareegi doonaa xukunka wadanka marka la gaadho bisha January ee sanadka 2017.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here