Faysal Cali Waraabe oo Hadhimo-sharafeed U Sameeyay Ciyaartooy Siciid West

0
1579

Hargeisa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu maanta munaasibad hadhimo sharafeed ah u sameeyay Ciyaartoygii caanka ahaa ee Siciid West.

Munaasiabad hadhimo sharafeedka ah ee guddoomiye Faysal u sameeyay Ciyaartoyga waxaa ka soo qayb galay masuiyiin ka tirsan Xisbiyada Ucid iyo Waddani iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe oo madasha ka hadley ayaa sheegay in ciyaartooy Siciid West la ilaawey.

Ciyaartooy Siciid West ayaa ka mid ahaa ciyaartooyadii ugu caan sanaa kubada Cagta ee soo mara Somaliland, isagoona u ciyaari jiray xulka gobolka Sanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here