Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo Balan-qaaday In La Ansixinayo Xeerka Kootada Haweenka iyo Beelaha Laga Tirada Badan Yahay

0
1403

Hargeisa (Hargeisa Press)- Gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa Haween weynaha Dalka iyo Beelaha laga tirada badan yahay ka aqbalay dalab ay ku doonayeen in Xeerka Doorashada ee goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka lagu ansixiyo qoondadii Haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.

Gudoomiyaha oo kulan la qaatay Haweenka ayaa ka balan qaaday in wiigan goluhu furmayo isla markaana ay xeerka soo hordhigayaan ka shirgudoon ahaana ay ka go’an tahay inay Haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay garab istaagaan una ansixiyaan qoondadaas madaxweynuhu hore ugu soo gooyey.

Sidoo kale, kulankan waxaa goobjoog ka ahaa xubno xildhibaano ah oo golaha Wakiillada Somaliland u xilsaaray ka soo tala bixinta Kootada haweenka ee ay ku imanayaan doorashada soo socota ee Wakiillada iyo Deegaanka.

Xubnaha Haweenka oo ay hormood ka ahayd Dalada Haweenka NAGAAD iyo suldaan Naasir oo beelaha laga tirada badan u hadlayay ayaa si xoogan u dhaliilay in xisbiyadu isku afgartaan in xeerkii 2005 doorashada lagu galay doorashadana lagu galo taas oo meesha ka saaraysa qoondada haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay taasna ay sheegeen in aanay sinaba u aqbalaynin.

Guddoomiye ku xigeenka Dallada Nagaad Khadra Cali Xasan ayaa soo dhaweysay ballan qaadka guddoomiyaha golaha Wakiillada ee la xidhhiidha qoondada kuraasta haweenka Wakiillada, iyada oo tilmaantay kaalinta ay haweenku kaga jiraan hawlaha qaranka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here