Faysal Cali Waraabe oo Fariin U Diray Xasan Sheekh, Weerarna Ku Qaaday Farmaajo

0
1130
faysal-cali-waraabe-oo-fariin-u-diray-xasan-sheekh-weerar-afka-ahna-ku-qaaday-farmaajo

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyha xisbiga mucaaradka UCID, Faysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay doorashadii xalay ka dhacday Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe oo boggaadiyay qaabka ay u dhacday doorashada Soomaaliya, ayaa u hambalyeeyay Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad doortay Madaxweyne.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe waxa uu intaasi ku daray in xalay uu soo jeeday, si uu ula socdo ku dhowaaqista natiijada doorashada Soomaaliya.

“Aniga oo waligey daawan doorashada Muqdisho, xalay baan soo jeeday ilaa inta u dambeysay” ayuu yidhi Faysal CalI Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID oo hadalkiisa sii wata, ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha xilka haya ee laga adkaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Waxaa isoo jeediyey waxaa weeye shantaas sanadood waxaan ka seexan kari waayey ninkaa shandada sitay ee ciil qabaha ah,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh, isaga oo ka dalbaday inuu fuliyo heshiisyadii ay hore u galeen labada dhiinac.

“Waxaan leenahay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha la doortay horaa laguu doortay waxaan kaa codsanayaa horta heshiisyadii aan wada galnay inaad fuliso,”.

Xasan Sheekh Maxamuud oo dhigay taariikh cusub, ayaa helay 214 cod, halka Madaxweynihii horeyna Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isna helay 110 cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here