Xasan Sheekh oo Markii Labaad Loo Doortay Madaxweynaha Soomaaliya

0
934
Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho (Hargeisa Press) – Waxaa hadda si rasmi ah loo soo gabagabeeyey codeynta doorashadii Soomaaliya oo la isla gaadhay wareegga 3-aad oo soo bilaabmay Axadii maanta,

Waxaana Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo hore u soo noqday Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya, intii u dhaxeysay sanadihii 2012—2017-kii.

Xasan Sheekh wuxuu noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee mar labaad ku soo noqday xukunka Soomaaliya, wuxuuna xilka kala wareegayaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo hore uu xukunka ugu wareejiyay shan sano ka hor, sanadkii 2017-kii.

Xasan Sheekh, ayaa wuxuu helay 214-cod, halka uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isna helay 110-cod.

Doorashadaan oo soo bilaabamatay maanta duhurkii, ayaa lagu kala baxay saqdan dhexe ee caawa, waxaana soo xidhmay todobaadkan jiitankii dheeraa ee doorashada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo hore ugu guuleystay in dowladii uu hoggaaminayey ay rasmi noqoto oo Kumeel Gaadhka ka baxdo burburkii kadib, wuxuu caawa noqday Madaxeynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Kooramka xildhibaanadii codeeyey, ayaa ku furmay 329 xildhibaan oo isugu jira labada Aqal ee BFS, sida uu shaaciyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Doorashadaan waxaa ka qeyb galay 36 musharax, waxaana wareegii 1-aad ka soo gudbay afar musharax oo kala ahaa Xasan Sheekh, Maxamed Farmaajo, Saciid Deni iyo Xasan Kheyre, waxaana wareegii 3-aad u gudbay Xasan Sheekh iyo Maxamed Farmaajo, ugu dambeyntiina waxaa caawa xilka Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here