Faysal Ali Waraabe wuxuu u biyeystay in uu Saqiiriyo oo uu saqaafaha u laabo Xisbigii uu hogaaminaayey mudada dheer . Qalinkii A/rahman fidhinle UK

0
1305

Dimuqraadiyada curdinka ah ee Somaliland  waxay u baahan tahay xisbiyo adag oo waari kara oo shacabku wada yeesho,Hase yeeshee xisbiyada Somaliland gaar ahaan Xisbiga Ucid oo xisbi qaran ahi marna muu noqon xisbi ay ku bahoobeen taageerayaal iyo beelo mug leh oo midaysan taas oo keentay in uu ku fashilmo Faysal Ali Waraabe doorashooyinkii madaxweynenimo ee hore dalka uga qabsoomay oo uu mar kastaba galey xisbiga Ucid  kaalinta 3-aad, kaas oo marna helay cod gaadhaya 15% marna helay  cod gaadhaaya 17%.

 

Faysal Ali Waraabe  marna muu noqon nin mihnadiisa Gudoomiye u sameeya macne weyn oo muujin karta milgo iyo magac huwan haybad qaran oo lagu xusuusan karo  taariikhdana ugala. Faysal marna muu noqon nin xisbi baaxad leh oo bahweyn ah unka oo dhidibada utaagay amaba u taagi kara taasna waxaa kaaga markhaati ah sifihii uu ugu fashilmay labadii teeram ee uu jagada madaxweynaha utartamay iyo bur-burkii xisbigiisa hore uga qarxay ee maxkamada la isla tegay. Mudadii dheereyd ee uu Faysal Gudoomiyaha xisbiga Ucid  ahaa Faysal marna muu noqon Gudoomiye tamariya oo team iyo taageerayaal baaxad leh kasbada oo arin iyo aqoon cokan curiya ama u gunta taageerayaasha xisbigiisa si ay u gaadhaan himilada iyo higsiga xisbigooda fishilaadahaasina waxay Xisbigii Ucid ka dhigaysay mar kasta Xisbi xajiimaysan oo uu xuurto ku  haysto  Gudoomiye Faysal.

 

In kasta oo labada Musharax Jamal Ali Xussien iyo A/rashiid Xasan Mataan ay noqdeen ferej Alleh u diray oo bakhti-afuufay Xisbiga Ucid oo urur ahaa, waxay u hureen maalkoodii iyo waqtigoodi waxaana ay ku shubeen dhiig cusub. waxaana ay sabab Alleh ogaa u noqdeen  in uu Xisbiga Ucid uu noqday Xisbi qaran. Nasiib daro wuxuu Faysal u dhigay Labadii Musharax isbaarooyin dadban oo uu ku diidan yahay  in ay helaan fursad iyo kalsooni buuxda si ay Xisbiga salka ilaa baarka uga dhisaan una dar-dargeliyaan. Arintaasi waxay keentay in  ay” in ay  laf-jabaan musharixiintii xisbigu”  hiiftankaa iyo haaraankan uu Faysal baday labadii Musharax waxay keentay in  Musharaxii M/xigeen  Abdirashiid Hassan Mattan uu iska casilo Xisbiga. Waxay Keentay in Xisbigii Ucid noqdo Xisbi fadhiida oo aan vision buuxa laheyn, aragti fog iyo odorosna laheyn kaas oo aaney cabinet kiisa iyo shadow cabinet kiisu dhisneyn oo aaney Gudoomiye yaashiisa 1-aad iyo 2-aad buuxin oon  la aqoon oo aanay golihiisa dhexe iyo kiisa fulintuna buuxin. Taa soo fursad buuxda u siisay Gudoomiye Faysal in uu si gaar ah Xisbiga ugu shaqeysto oo ay isku dan noqdaan Xisbi-xaakimkii uu tartanku ka dhaxeeyey.

 

Faysal Ali Waraabe wuxuu bur buriyey oo taariikhda u  galay dhamaan qaab-dhismeedkii xisbigiisa, sida Golihii dhexe, Golihii fulinta, iyo Gudidii Gobolada. Saqiirintaa uu hogaankii xisbigiisa shiiqiyey waxay meesha ka saaray dhamaan howlihii golaha dhexe ee xisbiga  oo socon waaya, Fadhiyadii Golaha dhexe oo qabsoomi waaya, Fadhiyadii Golaha fulinta oo tamarin waaya iyo waajibaadkii iyo xilgudashadii golaha fulinta ee xisbiga oo saqiiray oo fuli waayey.

 

Faysal Ali Waraabe Fashilaada degamsan iyo taariikhda madow ee ka soo martay doorashooyinkii uu u tartamay kursiga dalka ugu sareeya labada jeer waxay maaxdumisey hankiisii siyaasadeed waxaana ay dishay damiirkiisii shaqsi ahaaneed taasina waxay keentay in uu ku asqoobay sahankii iyo Siyaasadii  dhismaha xisbigiisa, Wuxuu  noqday shaqsi aan qawl iyo qadarin laheyn oo aan waxba xeerinayen. Wuxuu dafiray Musharaxnimadii Jamaal Ali Xussen. Wuxuu jebiyey oo baalmaray Qodobka 27-aad ee xeerka xisbiga oo qeexaaya in ay kala madaxbanaan yihiin musharaxiinta iyo hogaanka sare ee xisbigu. Wuxuu  baalmaray Qodobka 21-aad ee xeerka xisbiga oo qeexaya in aan gudoomiyaha la dooran wax ka badan lab jeer. Wuxuu jebiyey Qodobka 20-aad ee xeerka xisbiga oo qeexaaya in uu si hufan u buuxiyo xilalka gudida fulinta. Wuxuu jebiyey Qodobka  22-aad  ee xeerka xisbiga oo qeexaaya waajibaadkiisa gudoomiye ahaan maadaama uu xisbigii gacantiisa ku qowracay. Wuxuu jebiyey qodobka 24-aad ee xeerka xisbiga maadaama aanu marna buuxin jagooyinka  gudoomiye ku xigeenada  1-aad iyo 2-aad. Wuxuu Faysal Ali Waraabe dhooqeeyey Qodobka 26-aad ee xeerka xisbiga maadaama aanu marna buuxin liiska hogaanka sare ee xisbigiisa. Wuxuu ragaadiyey oo uu is leekaysiiye dhamaan xeerarkii iyo xeegaanadii Xisbigiisa.

 

1- Faysal Ali Waraabe wuxuu caan ku yahay fikir gaaban, faqiirnimo sayaasadeed, Karti daro, kursi jacely iyo xikmad la’aan xaqiiqda ka fog, kuma dhaqmo axdi, xeer xisbi ee kolba xeer buu hiil u raadiyaa kaasoo dhawaan u badheedhay in uu xisbigiisi kula shuraakoobo xisbi xaakimkii uu la tartami lahaa si uu dha-dhamo yar uu dheecaan u siisto.

2-Faysal wuxuu ku caan baxay xajiimeyn, xiqdi, aflagaadada Beelaha Darafyada iyo deelqaaf joogto ah oo uu ku gano bir ma geydada Salaadiinta iyo cuqaasha Somaliland  .

3- Faysal wuxuu ku caan baxay wisiisi iyo quudhsi taban kaa soo ka maagay in uu maamulka xisbiga daadejiyo waxaana uu ku keliyeystay oo uu madi ku noqday hogaanka xisbiga, Waxaana uu had iyo jeer cabudhiyaa afgaarta iyo dareenka xorta ah ee xisbiga dhexdiisa ka jira.

4- Faysal waa shaadh madoobe lagu bartay damac qaawan oo dano gaar ah huwan, balan la’aan, hadalo iyo hawraaro xajiimaysan oo aan muud iyo macna weyn lahayn

5- Qorshaha uu Faysal kula shuraabay Xisbiga kulmiye dhawaan waa  arin ula kac ah oo ku qotonta qorshe sal balaadhan iyo hadaf qorshaysan oo waqti dheer ah.

 

Waxaa shacabweynaha reer Somaliland is weyndiinayaan- bal horta Faysal Ali Waraabe haba qooqo mar Sadexaad eh, Talow  Dawaadu maw qoyan tahay oo dhibi cas ma leeyahay ?  Mise busaarad iyo hunguri dhaqaale  ayaa ugeysay in uu Ina Awsiciid iyo Muse Biixi ku shaxaado oo kula shuraakoobo xibigiisii. Faysal  isaga oo ka faa’ideysanaaya shuruucda daciifka ah ee lagu maareeyo Xisbiyada Somaliland oo iyagu iska ah ururo beeleedyo Shaadh Dimuquraadiyeed dusha looga geliyey ayaa xisbigiisii Ucid ee uu Gudoomiyaha ka ahaa mudada dheer uu kolba sidii dabeyl xaqaada isku laba rogayaa oo uu khilaaf ragaadinaaya ku huriyey iyada oo markii horeba uu xisbiga Ucid uu iska ahaa Jees qoor yaal ah ayuu hadana Faysal Ali Waraabe uu ka sii dhigay Xisbigii Ucid Guri cas looga hayaamay isaga awgii oo mar Labaad  Maxkamada qaranka la hor keeni doono.

 

 

Guntii iyo Gebo gabadii : Khilaafka ragaadiyey xisbiga  Ucid waxaa hindhisay oo u-qoolan Faysal Ali Waraabe, Hadii shaqsi la qiimeeyey ama la tijaabiyey Faysal baa hore loo qiimeeyey laba teeram oo ku fashilmay in ay shacabka reer Somaliland madaxweyne u doortaan. Faysal Ali Waraabe waa nin Colkii Jabay oo ku raafo dilaacay Siyaasada madiga ku ah. Waxaa taariikhda Siyaasada Somaliland lagu xusi doonaa  in Faysal isagu Xisbigiisii uu Gacamihiisa ku bireeyey oo Maxakamad geliyey laba jeer. Iyada oo Faysal Ali Waraabe ay Maxkamada qaranku Xisbiga ka xukunto  mooyaane marna how fadhiyina in uu Xisbiga Ucid uu tamariyo ama taabo galo si uu target kiisa u gaadho.

 

 

 

Alleh ayaa Mahad Leh,

Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)

Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,

Qalinkii :A/rahman fidhinle

Qoraa Madax banaan

Intensive ED BD BA

United Kingdom

London

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here