Xildhibaan Buubaa: Xisbiyada Ucid iyo Waddani Waxaad Moodaa In Ay Wasiiro U Yihiin Madaxweyne Muuse

0
980

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland ayaa eedaymo culus u jeediyay xisbiyada mucaaridka ee Ucid iyo Waddani.

Xildhibaan Buubaa ayaa waxaa uu sheegay in labada xisbi mucaarid la moodo in ay Wasiiro u yihiin Madaxwayne Muuse Biixi.

Sidoo kale, Xildhibaan Buubaa ayaa sheegay in xisbiyada Ucid iyo Waddani ay markasta ka agdhow yihiin Madaxweynaha Somaliland.

Wuxuu sheegay in bulshadu wakhtigan tabayso doorkii xisbiyada mucaaridku ka qaadan lahaayeen siyaasada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here