Fannaan Cabdinaasir Macalin Caydiid oo Beeniyey Inuu Geeriyooday

0
1782

Hargeysa (Hargeisa Press) – Fannaan Cabdinaasir Macallin Caydiid, oo ka mid ah Fannaaniinta ugu caansan geyiga Soomaalidu degto, ayaa waxaa uu beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaya in uu geeriyooday.

Cabdinaasir Macallin Caydiid oo la hadlay warbaahinta iyadoo ay garab joogaan yihiin qosykiisa, ayaa waxaa uu sheegay in dadka warkaasi qaldan ka faafiyay ee ku saabsanaa inuu geeriyooday uu yahay mid been abuur ah oo lagu deydayay lacag.

Fannaanka Cabdinaasir Macallin Caydiid oo maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanaa magaalada Hargeysa isla markaana ay xaaladdiisu ahayd mid culus, ayaa la filayaa in xaalad caafimaad loogu qaado dalka dibadiisa.

Fannaan Cabdinaasir Macalin Caydiid oo noloshiisa inta ugu badan ku qaatay magaalada Hargeysa, fankiisana aad loo jeclaa ku dhawaad Soddomeeye sano uu ka mid ahaa fannaaniinta looga hadhay tumista cuudka ama Kabanka sidoo kalena ah Mulaxan iyo waliba heesaa codkiisa si weyn loogu raaxaysto, ayaa waxaa lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay Halgankii dib u xoraynta Somaliland iyo waliba qaabkii hagar la’aanta ahaa ee uu Fannaaniinta ugu hagar bixi jiray tumista Kabanka oo uu si weyn ugu xeel dheer yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here