Faallo:Meeyay Madaarkii Burco Maxaa Hortaagan Ee Loo Samayn Waayay Ma Waxaa La Rabaa In Sidaa Codkale Shacabka Reer Burco Kulmiye Uga Soo Doonto Markale?

0
795

Burco , (HargeisaPress) — Faallo:Meeyay Madaarkii Burco Maxaa Hortaagan Ee Loo Samayn Waayay Ma Waxaa La Rabaa In Sidaa Codkale Shacabka Reer Burco Kulmiye Uga Soo Doonto Markale?
17 Sano in ka badan ayay reer togdheer madaar la’aani haysataa oo maalin walba been loo sheegayaa .
Sida aan ka Wada dheragsanahay Burco waxay la dhutinaysaa wax qabad la’aan xukumadiihii kala danbeeyay ee dalka somaliland soomara oo aanay ka helin wax qabad muuqda waxaana loo sheega been Marwalba sidii looga helo cod Iyo arimaha looga baahanyahay markaas bulshada ku dhaqan gobolka togdheer”.
“Madaar la’aanta burbo waa mid ku ah xukumada Siilanayo dhabar jab wayn oo ay kala kulmi karto dhinaca kalsoonida bulshada hadii xisbiga kulmiye Isku dayo Inuu cod Usoo doonto markale doorashada aan la aqoon Inay qabsoomayso Iyo in kale 2015”.
“Sida aan warbaahinta Marwalba ka dheehano waxaad arkaysa shacabka reer togdheer oo marwlaba ka cabanaaya wax qabad la’aanta xukumada hada jirta Iyo xisbiga kulmiye oo balano beena u sheegay ay ka midka Tahay madaarka Burco oo 5 Sano ka hor markii ay olalaha ku jireen sheegen Inay dhisayaan lakiin iska ilaawday hada oo qofkii soo hadal qaada ay Xukumadu u taqaano in uu mucaarid ku yahay Lakiin aan samaynayn qiimaha bulshada Iyo cabashada shacabka reer Burco oo aad moodo in hada loola dhaqmo si ka duwan Gobolada kale gaar ahaan Kuwa galbeedka somaliland oo awoodii Iyo wax qabadkii xukumada siilaanyo isugu gaysay”.
Waxyaalaha la gudboon bulshada reer togdheer waxaa ka mida in ay xaqooda raadsadaan kana hadlaan waxii ay xaqa ugu leeyihiin dawladooda sida xun ula dhaqmaysa ee aan ogalayn Inay Burco noqoto Caasimadii labaad ee dalka somaliland.
Dhinaca qurbaha waxaad ku arkaysa dalalka Europe America carabta Iyo afrikaba dadka reer togdheer oo aad Uga niyad Jabsan madaar la’aanta haysta magaaladooda Burco oo ay ku kalifto in ay kuba noqon wayaan dalkoodii hooyo.
“Waxaan xukumada madaxwayne siilaanyo leeyahay dhagaha u fur bulshada reer Burco ee ka cabanaysa madaar la’aanta Iyo wax qabad yaraanta hadii kale xisbiyo kale ayaa jira oo ay siin doonaan Codkooda sidii ay u helaan Ciid u dhista madaarka Burco Iyo gobolka togdheer ee dayacan oo aad moodo in aan ka mid ahayn Somaliland waliba ka muuqato diifihii Somaliya kaga tagta”.

 

Qalinkii muwaadin Axmed Cali

Burco.Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here