Gudoomiyaha UCID Oo Ka Hadlay Diwaangalinta Madaniga Ah iyo U Jeedada Wufuuda Reer Galbeedka

0
806

Faysal Cali WaraabeHargeysa, (HargeisaPress) — Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa Diwaangalinta Madaniga ah ku tilmaamay mid fashilantay. Sidoo kalena waxa uu sheegay in u jeedada Wufuud muddooyinkii u dambeeyay dalka ku soo qulqulayay ahayd dardar galinta doorashooyinka.

“Diwaan Galintani Socon Mayso,Markii horena Wax si hagaagsan oo Cilmiyaysan oo Qaranimo loo Samaynayo May ahayn,Ujeeda ugu wayn ee laga lahaa waxa ay ahayd uun in lagu hor Joogsado Diwaan Galinta Cod Bixiyayaasha,Haday tahay wax xalaal ah intaanu sidii Diwaan galinta Cod bixiyayaasha isla eegno oo aanu ku heshiino ayaanu odhan lahayn dadka sidaas yeela,Markaas Bahashani mid la tahriibinayo ayay ahayd oo way iska fashilantay” ayuu yidhi Eng Faysal oo warbaahinta Hargeysa kula hadlayay maanta

Dhanka kale waxa uu sheegay in Wufuud wadamada Reer galbeedka u badan oo muddooyinkii u dambeeyay dalka imanayay u socdeen sidii Doorashooyinka loo dardar galin lahaa.

”Wufuudii Caalamka Maal-mihii Dunbeeyey inooga Timid,Waxaana ay isku daba Socdaana waa Doorashooyinka,Doorashooyinkii ayay Caalamku arkeen Xilkii inaga Saarnaa in aynu Gabnay oo ku jirto Sag-saagnimo,Markaad Aragto Xeerkii Lasameeyey Oo Laalaya In ay dalkaba Doorasho Ka dhacdo,ilaahay Mahadii Juhdi Badan waanagii Kuso Celnay wadadii Toosnayd” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ucid

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in wali caqabadi ka taagan tahay Guddida doorashada ee bedelaysa guddidii hore “Markii aanu dhamaynay Arimihii Doorashooyinka hadana waxa soo baxay Komiishankii Doorashooyinka somaliland oo isna wali ilaa hada aan xal Laga gaadhin Dhamaystirkiisa,Anaga Markiiba Madaxwayne Siilaanyo waxa uu nagu yidhi 7Cisho Gudaheed kusoo magacaaba Xubinta Kumiishanka idiinka mid noqonaysa,Lakiin imika wali Caqabad ayaa taagan.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here