Ergadda Muqdisho Ka Yimid Oo Kulan La Yeeshay G. Guurtidda JSL

0
501
Exif_JPEG_420

Hargaysa (HP): Shir-gudoonka golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta xarunta golaha ku soo dhaweeyey Ergada dhaqanka ee ka timid magaaladda Muqdisho.

Kuwaasoo shalay soo gaadhay caasimadda Hargaysa, ayaa isla maanta na waxay booqasho iyo salaan ugu yimaadeen golaha Guurtida.

Madax dhaqameedkan oo u socotay dhex-dhexaadinta colaada ka taagan Laascaanood ee Hargaysa yimid ayaa markii ay gaadheen xarunta golaha Guurtida Somaliland, waxaa xarunta aqalkaasi ku soo dhaweeyay guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, iyo qaar ka mida xildhibaanada golahaasi.

Saleebaan Maxamuud Aadan gudoomiyaha Golaha Guurtida Somalialnd ayaa madax dhaqameedka uga warbixiyey hanaanka ay soo martay nabadaynta Somaliland.

Doorkii guurtidu ku lahayd iyo sida ay maanta uga go’an tahay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Geesta kale madaxdhaqameedkan oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho, ayaa hore u tegay magaalooyinka Laascaanood, iyo Garoowe.

Halkaasoo ay kulamo kula yeesheen Garraadada iyo madax dhaqameedka beelaha dega gobolka Sool.

U jeedadda socdaalka ay ergadani ku yimaadeen Hargaysa ayaa lagu sheegay in ay u socda in ay ka qayb qaataan xalinta colaada magaalada Laascaanood.

Waxaanay madax dhaqameedkani hawshoodda ka bilaabeen maanta kulanka ay la yeesheen shir guddoonka golaha Guurtidda Somaliland.

Inkastoo aan warbaahinta la la wadaagin rasmi ahaan waxyaabihii ay labada dhinac ka wada hadleen, marka laga reebo sawirro iyo qoraal kooban oo ay baahiyeen golaha Guurtidu.

Hase yeeshee arrimaha ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen ayaa lagu tilmaamay in ay koow ka tahay colaada Laascaanood iyo sidii xal looga gaadhi lahaa soo af-jarida xaaladdaasi.

Exif_JPEG_420

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here