Erdogan oo Xadhigga Ka Jaray Masaajid Laga Dhisay Fagaaraha Taksim Ee Magaalada Istanbul

0
964
Masaajidka Taksim wuxuu qaadayaa in ka badan 4,000 qof
Masaajidka Taksim wuxuu qaadayaa in ka badan 4,000 qof

Istanbul (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa xadhigga ka jaray masaajid laga dhisay fagaaraha Taksim ee ku yaalla magaalada Istanbul, kaas oo qorshaha dhisitaankiisu uu ka dhashay dibadbaxyo xooggan oo lagaga soo horjeeday sanadkii 2013-kii.

Kumanaan qof oo ka qeybgalay munaasabadda, ayaa buux dhaafiyay masaajidka xilli ay ku tukanayeen salaadda jimcaha.

Masaajidkan, ayaa ku yaalla fagaare caan ah oo astaan u ah mabaadii’da cilimaaniyadda Jamhuuriyadda Turkiga.

Waxaana loo arkaa goobtan inay tahay meel qaddiimi ah oo ku xusan taariikhda Turkiga gaar ahaan aasaasihii dalkaas Mustafa Kemal Ataturk.

“Masaajidka Taksim wuxuu haatan ku yaalla goob caan ah oo kamid ah astaamaha magaalada Istanbul” ayuu yidhi madaxweyne Erdogan oo shalay salaaddii jimcaha kadib furay masaajidka.

Wuxuu intaas ku daray in masaajidka uu yahay mid sii jiri doono, “Haddii uu Alle idmo, masaajidka meesha ayuu kusii yaalli doonaa tan iyo wakhti dambe”

Wuxuu dadweynihii ka soo qeybgalay munaasabadda uu u sheegay in dhismaha masaajidka uu yahay guul taariikhi ah kadib dibadbaxyadii lagu diidanaa in fagaaraha Taksim laga dhiso masaajidka.

“Haatan, ma jirto cid hor istaagi karta barnaamijkan” ayuu yidhi Erdogan.

Erdogan wuxuu ka hadlay sababta uu u doonayay in fagaaraha Taksim laga hirgeliyo masaajid tan iyo markii uu ahaa duqa magaalada Istanbul sagaashamaadkii.

“Xitaan meel salaadda lagu tukado kama jirin fagaaraha xitaa dadka waxay ku tukan jireen warqadaha wargeysada marka ay joogaan garoonka” ayuu yidhi madaxweyne Erdogan.

Dadkii musalliinta ahaa, ayaa soo dhaweeyay tallaabada lagu dhisay masaajidka, masaajidka waxaa ku xardhan astaamihii dowladdii Cusmaaniyiinta iyo naqshado casri ah, wuxuu qaadayaa ilaa 4,000 qof.

Abuzer Koç oo kamid ah dadkii ku soo tukaday masaajidka, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in horre masaajidda ay yaraayeen marka loo barbardhigo tirada dadka muslimiinta ah.

Wuxuu intaas ku daray, “Allah ha barakeyo dadka suurtageliyay arrintani”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here