EGAL DENTAL CLINIC Oo Noqday Dhakhtarkii ugu Horeeyey ee Adeeg Cafimaad oo Bilaash ah ka fuliya Xarumaha Agoomaha Burco + SAWIRRO

0
1764

Burco, (HargeisaPress) — Dhakhtarka Caalamiga ah ee Ilkaha EGAL DENTAL CLINIC, ayaa saaka Baadhitaano iyo eegis dhinaca ilkaha ah si tabaruca ugu sameeyey Qaar ka mid ah Xarumaha Agoomaha Burco oo ay ku jiraan  Arday Agoomo iyo Rajay u badan oo dhalinyaro ah isla markaasna aan inta badan helin daryeelo caafimaad iyo dhakhaatiir goobahooda waxbarasho ku booqata.

Xubno Dhakhaatiir iyo Kalkaaliyaal dhinaca ilkaha ah isugu jiray ayaa saaka booqasho ugu tagay xarumaha Agoomaha ee Abubakar sidiiq (ex-Alxaramayn) iyo Urtahgen International, iyagoo halkaasi ku baadhay dhammaanba ardayda agoomaha ah ee xarumhaasi,waxayna kadib ugu deeqeen arday walba qalabka lagu daryeelo caafimaadka ilkaha iyo dawooyinka lagu cadaydo.

EGAL DENTAL CLINIC 3

Asma ahmed oo ka mid ahayd kalkaliyaasha caafimaad ee ka socday Dhakhtarka Casriga ah ee EGAL DENTAL CLINIC ayaa ka warbixisay ujeedada kormeerkooda iyo baadhitaanada caafimad ee ay ka fulinayaa xarumaha agoomaha ee Burco, iyadoo tilmaamtay in si tabaruc ah ay ugu shaqaynayaan agoonta, isla markaasna u baahan yihiin mar walba in laga warhayo caafimaadkooda maadama xarumahani ka saacideen kana kaabayaan waxbarashadii.

EGAL DENTAL CLINIC 2

Sh. Hayaan iyo yaxye oo ahaa masuliyiintii labada xarumood ee agoomaha ayaa iyaguna uga mahadceliyey dhakhtarka cigaal booqashada iyo adeega tabaruca ah ee ay ka fuliyeen xarumahooda una sameeyeen ardayda agoomaha ah ee ku jira xarumahan, waxay tilmaameen inay tahay markii ugu horeysay ee ay arkaan dhakhaatiir xarumahooda ku soo booqata oo ardayda xarumahani u samaysa adeegan muhiimka ah oo ka mid ah adeegyada ay u baahnaayeen, waxay ugu baaqeen dhakhaatiirta la midka ah inay ku daydaan dhakhtarkan oo ay ka war hayaan xarumaha agoomaha una soo booqdaan si ay u caawiyaan carruurta aan waalidka lahayn ee lagu ururiyey xarumahani.

EGAL DENTAL CLINIC

Dhakhtarka Cigaal oo 2 Bilood ka hor magaalada Burco laga furay ayaa hawlo u badan dhinaca caafimaadka ilkaha ka fuliya gobolka togdheer, waxana bulshada reer Burco ku soo dhoweyeen dareeno isku mid ah iyagoo u arkayey in dhakhtarkani soo kordhiyey adeeg loo baahnaa oo ka dhinna gobolka, maadaama dhakhaatiir caalamiah iyo kuwo waddani ah ba ka hawlgalaan dhakhtarkani Cigaal.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here