Somaliland: Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Oo Gabagabeeyay Dooda Xeerka Diwaangalinta Madaniga Ah

0
893
Golaha wakiilada Somaliland
Golaha wakiilada Somaliland

Hargeysa, (HargeisaPress) — Golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo gabogabeeyay dooda Xeerka Diiwaan Gelinta Madaniga ah oo maalmihii ugu dambeeyay ka socotay aqalkaas.

Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayay mudaneyaashu si aad ah uga doodeen xeerkan.

Hadal Qoraalka doodan ayaa labada maalmood ee soo socda la isku soo ururin doonaa, waxaanay mudaneyaasha aqalkaasi u qaadi doonaan cod.

Dhinaca kale Magaaladda Hargeysa ayaa waxa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ka socotay Diiwaan Gelinta Madaniga ah.

Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa hore kulan ugala yeeshay Madaxweynaha Somaliland diiwaan Gelinta Madaniga ah, waxaanay kusameeyeen wax ka bedel, sidaas ayaanay ku heshiiyeen.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here