Duuliye iyo askar ka tirsanaa Ciidamada Cirka Itoobiya oo u baxsaday Eritrea

0
1010

Addis Ababa, (HargeisaPress) —Duuliye ciidamada cirka Itoobiya ka tirsanaa oo wata diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (Helicopter) ayna la socdeen caawiyihii iyo farsamo-yaqaanii diyaaradda ay dhinaca dalka Eritrea u baxsaday sida ay baahiyay warbaahinta ay dowladda Itoobiya maamusho Sabtidii aynu soo dhaafnay.
Saddexdan ruux ayay sheegtay warbaahintu inay maqnaayeen illaa aroortii Jimcihii aynu soo dhaafnay, markaasoo ay ka duuliyeen saldhig ay tababar ku qaadanayeen, sidaa waxaa sheegay Telefishinka Itoobiya.
Waddamada Itoobiya iyo Eritrea ayaa dirirsanaa mudo dheer, kaddib markii uu soo dhexgalay muran xuduudda, iyadoo labada dal ay mid walba tan kale ku eedeynaysay inay taageerto kooxaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeda, si ay xukuumadahooda u ridaan.
“Diyaarad kuwa ciidamada milateriga Itoobiya ah ayaa cago-dhigatay dalka Eritrea, taasoo ay wateen duuliye, caawiyihii iyo farsamo-yaqaankii, xilli ay qaadanayeen tababar,” ayaa lagu yidhi war kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya. Mana jirto faahfaahinno intaas ka badan oo la bixiyay.
Ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay saraakiisha labada dhinac, balse warar ay baahiyeen wrbaahinno ka dhowr Eritrea iyo mucaaradka ayaa lagu sheegay in diyaaradda uu nooceedu ahaa MI-35, ayna ku rakibnaayeen qoryaha daran-doorriga u dhaca.
Xukuumadda Itoobiya ayaa doonaysa in muranka dhinaca xuduudaha ah ee soo dhexgalay iyada iyo dalka dariska la ah sannadihii 1998-dii illaa 2000 lagu soo afjaro wadahadal iyo wada-xaajood.
Dhanka kale, xukuumadda Eritrea ayaa iyaduna doonaysa inay Itoobiya ciidamadeeda kala baxdo deegaanka Badme oo ku dhow xuduuddda ay waddan wadaagaan, iyadoo uu sabab u ahaa muranka dagaalkii labada dhexmaray sannadkii 2002-dii.

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here