Xarunta Xuquuqal Insaanka:”Maxamed Rashiid wuxuu ahaa u halgamaa xoriyatul qawlka”

0
951

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Iisaanka Guuleed Axmed JaamacXarunta Xuquuqal Insaanku waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyskii iyo asxaabtii Maxamed Rashiid Muxumed Faarax oo ku geeryooday Kenya. Aad baanu uga naxnay markaanu maqalay geerida suxufigan wayn oo ahaa nin u halgama xuquuqda hadalka. Maxamed oo ahaa Xogahiyiii ururka suxufiyiinta ee SOLJA wuxuu ku suntanaa inuu is bar bar taagay xoriyadda hadalka mar dadka badankiisu ay ku keliyeeyeen.
Wuxuu ahaa naf wanaagsan, geesi ah oo si adag u wajaha wuxuu doonayo. Wuxuu is-barbar taagay suxufiyiin waqti adag ku jirta, mar qudhana muu joojin halgankiisa ilaa intii naftu ka baxaysay.
Waxannu Eebe uga baryaynaa inuu janadiisa geeyo, qoyskiisana samir iyo iimaan ka siiyo.

Guleid Ahmed Jama
Chairperson
Human Rights Centre
Hargeisa Somaliland
www.hrcsomaliland.com
dafac02@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here