Dowladda Canada oo Loogu Baaqay Taageerida Dib U Dhiska Suuqa Hargeysa

0
1067

Ottawa (Hargeisa Press) – Baarlamaanka dalka Canada, ayaa soo jeediyey in la taageero hawlaha dib u dhiska suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa iyo caawinta ganacsatadii hantidoodu ku baaba’day dabkii ka dhacay.

Fadhi shalay xildhibaanda Baarlamaanka Canada yeesheen, ayuu Xildhibaan Chandra Arya oo hadal ka jeediyey sheegay inay masiibo weyn dab ah ka dhacday Somaliland, oo suuqii Waaheen ee Hargeysa ku baaba’ay.

Xildhibaan Arya, ayaa sheegay in dhaqaalaha suuqa Waaheen ka ahaa ilaa konton guud ahaan dhaqaalaha Somaliland, islamarkaana kumanaan qof ku caydhoobeen, siduu sheegay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid, islamarkaana ku soo beegmay xilli abaaro ba’an ka taagnaayeen dalka.

Waxuu xildhibaan Arya u soo jeediyey xukuumada Canada inay qaado dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu caawinayo, islamarkaana sida ugu dhakhso badan ugu taageeraan dhaqaalaha loo baahan yahay.

Waxuu kaloo uu bogaadiyey xildhibaan Arya dedaalada xildhibaanada Saaxiibada Canada ee Somaliland iyo jaaliyadda Somaliland dhaqaalaha ay ku bixinayaan dib u dhiska suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here