Madaxweyne Biixi oo Shaaciyey Wixii Ay Ka Wadahadleen Farmaajo iyo Rooble

0
1065
Madaxweyne Biixi oo Shaaciyay Mudada Burburka Xisbiyada
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka fal celiyay kaalinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo ganacsatada Muqdisho ugu qeyb qaateen dadaalka gurmadka loo fidinayay dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay gubashadii suuqa Waaheen ee Hargeysa.

Madaxweyne Biixi, ayaa u mahad celiyay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu sheegay inuu la soo hadlay una muujiyay dareen walaalnimo, islamarkaana uu Rooble balan qaaday inuu si deg deg ah u diri doono dhaqaalaha bangiga adduunka uu ku tabarucay Somaliland, balse sanado ay ku xayirnaa bangiga dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale uu Muuse Biixi intaa raaciyay in xukuumada Soomaaliya ay ku tabarucday hal milyan oo dollar.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi, ayaa u mahad celiyay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo ganacsatada Soomaaliya ee muujiyay dareenka walaalnimo, taasoo uu sheegay in ay ku timid wada dhalashada iyo Soomaalinimada marka ay dhibaato dhacdo, wuxuuna guud ahaan Shanta Soomaaliyeed ugu baaqay inay sidaasi si la mid ah isu gurmadaan maadaama la wada dhashay.

“Madaxweyne Farmaajo wuu isoo wacay wuuna ii tacsiyadeeyay, aniguna waan ugu mahad noqay, ra’iisal wasaare Rooble isagana wuu noo tacsiyadeeyay, waana ugu mahad noqay, ra’iisal wasaaraha wuxuu isagu ku daray, waxaan haynaa lacag leydiin soo diray oo baanka adduunka beri hore soo diray oo sababay arrimihii inaga dhaxeeyay halkan yaalaan, lacagtaas waxaan ku dadaalayaa inaan soo diro, waxaan ku idhi, waxaad ku soo dirtaa deg deg waa tan ugu horeysa aan wax kaga qabaneyno suuqa gubtay, ninka diidan iyo kan murmaya, gebigeed waxaanu gelineynaa suuqaas gubtay, wuxuu iigu daray annaga dowlad ahaan waxaan ku dareynaa hal milyan waa ku mahadsan yihiin,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

“Waxaan aad ugu mahad noqayaa ganacsatada Muqdisho ee deg dega u shiray ee muujiyayna dareenka, aad ayaan ugu mahad celinayaa Soomaali weyn meel walba oo ay joogaan, Kismaayo ha joogaan, Jigjiga ha joogaan ama Jabuuti ha joogo ama Diradhabe ama Boosaaso aad iyo aad ayaan ugu mahad noqayaa, waan idinka guddoomay dareenka walaalnimo ee aad muujiseen iyo gurmadkaad gasheen, waana tan la isku lahaa, mar walbaa la isku gurmanayaa” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Wuxuu kaloo u mahad celiyay afar shirkad milkiilayaashooda kuwaasoo kala ah Dahabshiil, Telesom, Maxamed Ow-saciid, Oomaar iyo laba shirkadood oo ku soo biiray, isagoo ku booriyay ganacsatada kale ee Somaliland inay doorkooda qaataan xili walba oo dhibaato dhacdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here