Diyaaradda Itoobiyan Airline Oo Rakaab Addisababa Ay Ka Soo Qaaday Dib Uga Celisay Gegada Diyaaradaha Ee Madaarka Hargeysa Iyada Oon Rakaabkii Dejin + Sababta

0
570
Ethiopian Airlines PHOTO FILE

Hargeysa,(HargeisaPress) -Diyaaradda Itoobiya Airline ee laga leeyahay Waddanka Itoobiya, ayaa Goordhawayd oo 7:00 Saacaddu ahayd Duulimaad ay kaga timid Addisababa kuna soo Cago-dhigan lahayd madaarka Diyaaradduhu ka haadaan ee Hargeysa kolkii ay Cagaha soo dhigtay RANWAY-ga Diyaaraddaha ee Hargeysa hadana isla Laamigii ay ka soo digtay dib uga Haaday iyada oo aan dhigin Rakaabkii ay siday isla markana ilaa Addisababa dib ugu celisay Rakaabkii Madaarka Hargeysa inay kaga degaan uga soo raacay magaaladda Addisababa.

Ilaha xogogaalka ee arinta Diyaaraddani la xidhiidha ayaa ii Xaqiijiyey in sababta ay Rakaabka ay Siday Diyaaradda ITOOBIYA AIRLINE ee magaaladda Addisababa ka soo kicitintay qorshaheeduna ahaa inay Madaarka Hargeysa ku dejiso Rakaabka diyaaraddu siday oo saarna in sababta ugu wayn ee diyaaraddu markii ay cagaha soo dhigtay Madaarka Hargeysa ee hadana ay iyada oo aan Istaagin Duulimaad kale dib ugu noqotay ilaa Addisababa inay duuliyaha ku kaliftay go’aanka uu qaatay ka dib markii Diyaaradda Itoobiyaan Airline aragtay Madaarka Hargeysa oo Wadadii ay soo fadhiisan lahayd ee Gegada (RAN-WAY)-gu ay Madoowdahay sida darteedna ay isla Laamiga Madaarka ay Diyaaradduhu ka haadaan ee Gegada Diyaaradaha ay dib uga kala naqotay Diyaaraddii Fly Ethoipian Airline ee Caawa Fiidkii Rakaabka ay Adisababa ka keento la sugaayey inay Madaarka Hargeysa ku soo dejiso.

Ma aha markii u horaysay ee Sidan ooo kale ay Diiyaarad sida Rakaab Madaarka Hargeysa u socday ay ka noqoto Hawadda Somaliland, balse marka laga yimaado Xogaha la xidhiidha diyaaraddani dalka Itoobiya laga leeyahay ee duulimaadyada joogtadda ah iskaga kala gooshta Madaarada Addisaba iyo Hargeysa, ayaa xogaha dad looga qaateena oo madaarka Hargeysa ku sugani ay noo xaqiijiyeen inay sababta ay caawa diyaaradda Rakaabkii ay siday ay dib u la noqotay ka dib Laambadihii Korontadda ee ku xidhnaa Madaarka Hargeysa gaar ahaan qaybta Gegadda Diyaaradduhu ka haadaan ee Madaarka oo Madoow ama aan Laambadaha Laydhka ee Diyaaraddaha halka ka soo dega iyo kuwa ka duulayaaba isticimaali lahaayeen oo aan shaqayneyn awgeed,

Sidan Caawa wararkanu sheegayaan ee ka imanaaya Madaarka Hargeysa inay diyaaradi ka noqotay oo kale dhawaan ayey ahayd markii Saxaafadda Somaliland ay soo tebisay warar la xidhiidhay goor Aroornimo ah ama Subaxnimo ahayd la sheegay in Diyaarad laga leeyahay dalka Imaaraadku ay sidan oo kale u suurto geli wayday inay ka soo degto Madaarka Diyaaraddaha ee Hargeysa ka dibna ay Rakaabkii diyaaradda Fly Dubai ay si day ka dejisay magaaladda JABUUTI, waxaana lagu sababeeyey in Duuliyihii waday Diyaaradda Fly Dubai oo aan ku qancin xogtii Saraakiisha dhinaca Cimiladda ee Madaarka Hargeysa ay ku siiyeen inay diyaaraddu ku soo degi karto Madaarka Hargeysa oo Duuliyaha Diyaaraddaasi halka uu isagu u arkay in Cimiladda oo Goor aroor ah oo Ceeryaan badani jirtay in aanu Madaarka Hargeysa ku soo degi karin sida darteedna uu Rakaabkii Madaarka Jabuuti ka dejiyey.

Zir Abdiwali Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here