Dibadbaxyo weli ka socda Magaalada Bujumbura iyo Booliiska oo Shacab badan layay + DAAWO SAWIRRO

0
1248

Bujumbura, (HargeisaPress) —  Boqollaal Mudaaharadayaal ah ayaa maanta oo Jimco ah isugu soo baxay waddooyinka caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura, kuwaasoo kasoo horjeeda qorshaha uu mar saddexaad uga qaybgalayo doorashada madaxnimo ee dalkasa.

Dibadbaxyadii shalay dhacay ayaa lagu dilay laba qof oo shacab ah, iyadoo sideed kalena lagu dhaawacay, sida ay sheegtay ururka bisha cas ee Burundi, iyadoo ay weli sii socdaan dibadbaxyadii illaa bishii hore ka socday Bujumbura.

Mudaaharaadyada_Bujumbura

Aroornimadii hore ee Maanta ayay dibadbaxyadu ka billowdeen deegaanka Cibitoke oo ku dhow Caasimadda, iyadoo wararku ay sheegayaan in rasaas aad u xooggan laga maqlayay, iyadoo sidoo kalena deegaanka Mutakura ay iyadana dibadbaxyo ka dhacayeen.

Bujumbura 55

“Waxaanu doonaynaa inaan dadka oo dhan mideyno, waana taas sababta aanu ugu fidinnay Dibad-baxyadeenna deegaannada ku dhow caasimadda,” ayuu yiri ruux ka mid ah dibad-baxayaasha isugu soo baxay caasimadda.

Ciidamada booliiska Burundi ayaa koox wariyeyaal ah u diiday inay galaan Musaga oo ay kasocdeen rabshado u dhexeeya dibadbaxayaasha iyo ciidamada ammaanka dalkaas. “Tani waa uu ammaankaagu ku jiri,” ayuu yidhi wariye Wakaaladda AFP ka tirsan oo ciidamadu ay u diideen inuu galo deegaankan.

A protester runs in front of a burning barricade during a protest against Burundi President Pierre Nkurunziza and his bid for a third term in Bujumbura, Burundi, May 21, 2015. REUTERS/Goran Tomasevic      TPX IMAGES OF THE DAY
A protester runs in front of a burning barricade during a protest against Burundi President Pierre Nkurunziza and his bid for a third term in Bujumbura, Burundi, May 21, 2015. REUTERS/Goran Tomasevic TPX IMAGES OF THE DAY

Sidoo kale, dibadbaxayaal la hadlay warbaahinta ayaa iyaguna sheegay in ciidamo booliis ah lasoo dhoobay waddooyinka, kuwaasoo ay ku tilmaameen kuwo doonaya inay argagax-geliyaan mudaaharaadayaasha.

Mucaaradka Burundi iyo Bulshada Rayidka ah ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza inuu doonayo inuu mar saddexaad doorashada madaxnimo ee dalkaas ka qayb-galo taasoo ay ku sheegeen tan keentay inay dhigaan dibdbaxyo aan kala go’a lahayn.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here