Somaliland oo Laga Bilaabay Qodista Ceelkii Ugu Horeeyay Ee Shidaal

0
1438

Hargeysa (Hargeisa Press) –  Munaasibad lagu daah-furay marxaladii u dambeysay baadhista Shidaalka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa Axaddii shalay, taasoo lagu shaaciyey qodaalka Ceel Baatrool oo hore looga sahamiyey deegaanka XOOD oo ka tirsan degmada Qoryaalle ee Gobolka Togdheer.

Xafladan waxa ka qaybgalay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Golaha Wakiillada, xubno kamida Golaha Wasiirrada, Goleyaasha Baarlamanka ee Guurtida iyo Wakiillada, Wakiillo ka socda Shirkaddaha mashruucan fulinaya oo ay kamid yihiin CPC (Taiwan) iyo GENEL ENERGY oo hore sahaminta u samaysay, Ururrada bulshada rayidka ah, madaxdhaqameed, aqoonyahanno iyo xubno ka socday dadka deegaanka Qoryaale.

Qodista Ceelka TOOSAN1, ayaa ah mid lagu tijaabinayo baaxada Shidaalka ku jira aagga nawaaxiga deegaanka XOOD xidhmooyinka 13/10 (Block SL13/SL10B) halkaasoo loo doortay inay tahay meel godan ah oo uu Baatroolku ku uruurro, sidoo kalena lagu xushay fulinta tijaabada u dambeysa ee baadhista Shidaalka.

Munaasibadan, ayaa waxa laga jeediyey khudbaddo oo la xidhiidha ka faa’idaysiga Khayraadka ku duuggan dhulka hoostiisa iyo korkiisa iyo sooyaalkii dheeraa ee uu soo maray deddaalka lagu soo gaadhay wajigan tijaabinta illaha Shidaalka Dalka, waxaana dulucda hadal-jeedinta masuuliyiinta iyo mudanka madasha ka hadlay ku uruurraysay in si wanaagsan oo niyad-sami ah lagu soo dhaweeyo mashruucan, in wixii khayraad ka soo baxaa uu noqon doono mid qaranka si cadaalad ah uga wada faa’idaysto, in haddii lagu guulaysto soo saarida Shidaalka Somaliland tuuri doonto dhiisha faqriga iyo Saboolnimada iyo in si wada-jir ah looga wada shaqeeyo fulinta mashruucan.

Dadka deegaanka XOOD ayaa sidoo kale masuuliyiinta iyo daneeyayaasha kaleba kula dardaarmeen inay gacmo furan, qalbi fayow iyo nabad-gelyo ku qaabilaan shaqada laga qabanayo deegaankooda, waxaana lagala taliyey inay carqaladeeyaan mashruucan ahmiyadda weyn leh ee ay nasiibka u yeesheen in laga bilaabo dhulka ay degen yihiin.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Md. Cabdilaahi Faarax Cabdi oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey mashruucan qodista shidaalka deegaanka Xood, Shirkaddaha fulinaya iyo ujeeddada laga leeyahay.

Wasiir Cabdilaahi ayaa yidhi“Dadka Somaliland Dawlad iyo shacab waxaanu u sheegaynaa inuu bilaabmay wajigii ugu dambeeyey ee baadhista Shidaalka ku jira dalkeena,kaasoo la qodayo ceelkii ugu horeeyey ee Shidaalka oo la doonayo in la dalooliyo. Ceelkaas waxa la yidhaahdaa Toosan1, waxaanu ku yaallaa meel godgodan hoose ah oo uu Baatroolku ku uruurro oo agagaarka deegaanka XOOD ah oo ka tirsan Degmada Qoryaale ee gobolka Togdheer”

“Ceelkaasi maaha mid laga soo saarayo Baatrool ee waa ceel lagu hubsanayo in Baatrool meesha ku jiro, illaahay waxaan ka baryayaa inuu Riiggu madaxa la galo Shidaal badan”

Isagoo hadalka sii wata waxa uu intaasi ku daray “Hawshan waxa wada fulinaya Shirkadda CPC, Opec Somaliland iyo Shirkadda GENEL ENERGY, maanta halkan waxaynu ku qabanaynaa shaacintii, laakiinse xafladihii waaweynaa ee Wacyigelinta waxa aynu ku qabanaynaa Magaalada Burco Bishan May Aakhirkeeda, markaa waa inaynu u samirnaa hawshani wakhti dheerbay soo socotee” ayuu yidhi.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Saleeban Yuusuf Cali (Koore), ayaa isna sheegay in si uu u guulaysto qorshahani loo baahan yahay masuuliyad loo dhan yahay lagaga shaqeeyo.
“Hadal haynta Shidaalka waxaynu maqlaynay taariikh dheer oo ka soo bilaabmaysa ilaa 1910-ki8. Waxaynu noqonaysaa Jiilkii Afaraad ee soo gaadha iyadoo hadal-hayntiisu socoto, markaa haddii aynu maanta marayno halkii inoogu dhaweyd, dhamaanteen masuuliyadbaa innaga wada saaran, sidaan uga wada faa’idaysan lahayn. Dadka deegaanka waxaan kula talinayaa marka shidaalka la soo saaro innaga badan ee aynu wada ilaalshano”ayuu yidhi Wasiir Koore.

Wasiirka horumarinta Deegaanka iyo duur-joogta Shukri Ismaaciil Baandare, Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo Dastuurka Md. Maxamed Xaaji Aadan iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaalladda iyo Arimaha Garsoorka, ayaa ku dheeraaday horumarka iyo Dhaqaalaha laga helayo soo-saarida Shidaalka dalka iyo baahida xilligan loo qabo, waxaanay sheegeen inay Somaliland kamid noqon doonta waddamada qaniga ah ee caalamka, haddii ay ku guulaysato mashruucan.

Xildhibaan Jaamac Dube, Xildhibaan Bille Cabdi Goohe iyo xildhibaan Dirir oo kamida mudaneyaasha Goleyaasha Wakiillada iyo guurtida ku metela Gobollada Togdheer iyo Saraar, ayaa balanqaaday inay dawladda iyo Shirkaddaha Shidaalka qodaya kala shaqayn doonaan nabad-gelyada iyo bad-qabka deegaanka, waxaanay caddeeyeen in aanay jiri doonin cid ka hortimaada shaqada oo carqaladaysaa “cid kasta oo isku-dayda inay ka hor-timaado hawshan Qaranka oo Dhani ka faa’Idayo laga yeelli maayo”ayey murtida hadalkooda ku uruurriyeen, waxaanay intaasi ku dareen inay golaha Wakiilladu deddaal badan geliyeen hirgelinta Xeerka Shidaalka ee sahlay dhaqaaqa barmaamujkan.

Suldaan Maxamuud Guuleed Mirre iyo xubno kale oo kamida mqdaxdhaqameedyada gobolka Togdheer oo halkaa ka hadlay, ayaa dhankooda shaaca ka qaaday in iyaga iyo bulshada ay hogaanka u yihiinba garab istaagi doonaan habsami-socodka hawshan shidaal qodista.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibada Cabdinaasir Cumar Jaamac, guddoomiyihii hore Guddida Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen iyo aqoonyahan Sucaad Carmiye oo ka socotay ururrada bulshada rayidka ah, ayaa codkooda ku biiriyey ahmiyadda uu leeyahay daah-furka soo-saarida khayraadka dihin ee Dalku.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa tilmaamay in la gaadhay xilligii Qaranku tuujin lahaa Khayraadkiisa dihin, maadaama hoos u dhac ku yimi illihii kale ee laf-dhabarta u ahaa dhaqaalaha, sida Dhoofka Xoolaha oo marba marka ka dambeysa sii naaqusaya. Waxa uu ka waramay taariikhda caqabadaha leh ee ay soo mareen dalalka ka najaxay shidaalka iyo noocyada kale ee Khayraadka, isagoo tusaale u soo qaatay dalka Imaaraadka Carabta oo uu sheegay inay tobanaan sanno ka hor xaalad faqri ah ku noolaayeen, hase yeeshee soo saarida shidaalkoodu Ibbaha dhaqaalaha u furtay.

“Hadaynu Shidaal helno neef danbe oo aynu sucuudi iyo carab la baryaynaa ma jiri doono”ayuu yidhi

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo halkaa khudbad dheer ka jeediyey, ayaa sheegay in hawshan loo fulin doono si heer qaran ah, dhamaan Hay’addaha ay khusayso iyo bulshada deegaankuba ay la shaqayn doonaan shirkaddaha farsamo ahaan shaqada qabanaya, waxaanu intaa ku daray in aad looga baaraan-degay dhaqaajinta mashruucan, isla markaana lagu jaan-gooyey sharciga dalka u yaalla heshiisyada iyo xuquuqaha ka dhalanaya khayraadka la soo saaro.

Wasiirka, ayaa tilmaamay inay Somaliland noqonayso Dalkii ugu horeeyey caalamka ee isagoo ictiraaf caalami ah haysan shidaalkiisa la soo saaro, sababtuna ay tahay nabad-gelyada iyo dawladnimada gaamurtay ee ka jirta. “dadka deegaanka oo aan aniguna Odaygoodii ahay waxaan farayaa inay si buuxda ula shaqeeyaan Shirkaddaha iyo shaqaalahooda”ayuu kula dardaarmay bulshada Gobolka Togdheer, gaar ahaan Degmada Qoryaale.

Eng. Ibraahim oo ka socday Shirkadda GENEL ENERGY, isla markaana ah muwaadin reer Somaliland ah oo in mashruucani halkan soo gaadho tacab iyo hawl badan geliyemashruuca mahad celiyay dawladda iyo shacabka JSL sida kalsoonida iyo rabitaanku ku dheehan yahay ee ay hawshan isu garab taageen.

Waxa uu faahfaahin ka bixiyey dariiqii dheeraa ee uu soo maray sahanka Shidaalku.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Siciid Mirre Giirre, ayaa isaguna madashaasi ka sheegay in soo-saarida shidaalku ay furre u tahay isku-filnaanshiyo dhaqaale oo ay Somaliland gaadho iyo in adduunku u soo kala dheereeyo aqoonsigeda.

Xafladan hal-muceedyada laga sheegay waxa kamid ahaa in adduunku wakhtigan ka guurayo Tamarta laga dhaliyo Shidaalka, isla markaana lagu guulaystay curinta tamarta Cagaaran, taasoo ka dhigan in dunida qaybo kamida laga kaaftoomayo isticmaalka Shidaalka, laguna guulaystay in la ikhtiraaco tamar lagaga maarmo, sababtaasina kamid tahay waxyaabaha Qaranka Somaliland ugu dhiirraday inuu Shidaalkiisa la soo baxo intaannu ka dhiman.

Waxa kale oo laga xusay inay soo dhaweynta cid kasta oo maalgashanaysa khayraadka Dalku ay tahay ilbaxnimo looga baahan yahay inay yeeshaan bulshada Somaliland “Ninka Maalgashada ah marka uu kuu yimaado waxa la sugaa inta uu shandada dhulka dhigganayo, laakiinse haddaad ku qayliso isagoon salka dhulka dhigin kugu habsaami maayo” ayuu yidhi Xildhibaan Meecaad oo kamida mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland.

Olollaha Shidaal sahaminta ayaa dalka ka socday in ka badan toban sannadood, iyadoo Dawladdu heshiisyo heerar kala duwan ah la gashay Shirkaddo waaweyn oo caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here